Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaana uu musharraxu uu goobta kusoo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed iyo qorshaha uu rabo in uu ku hoggaamiyo dalka Soomaaliya. Mudane Farmaajo ayaa khadubaddiisa waxaa uu diiradda ku saaray sida uu wax uga qabanayo arrimaha amniga dalka, koboca dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, xaquuqul-insaanka, ku dhaqanka Dastuurka, xiriirka beesha caalamka, iyo hirgalinta nidaamka federaalka Soomaaliya.
“Waxaan aaminsanahay in barnaamijkeyga siyaasadeed uu wax badan ka qaban karo hagaajinta dowladnimada Soomaaliya. Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan abuura rajo, waa kan isku-wada bulshada oo dhan, waa kan dulqaadka u leh daruufaha, waxaan ballan qaadayaa haddii aad I doorataan in aan kor u qaadano sharafta, iyo karaamada dowladnimo ee Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Musharrax Farmaajo.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyay ololaha Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo iyagoo ku amaanay doorkii uu kasoo qaatay xasilinta Soomaaliya mudadii koobneyd ee uu ahaa ra’iisul Wasaarihii dowladdii kumeel gaarka ahayd.
Xildhibaan Canab Xassan Cilmi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Garowe laga soo doortay, horena u ahayd K/Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa tiri “Farmaajo dowladnimo ka horraysay ma jirto, waxaan xasuustaa dagaalkii uu la galay Shabaab, waxaan xasuustaa ciidankii uu daryeelay, waxaan xasuustaa dhaqaalihii uu noo kaydiyay, waxaan xasuustaa naafadii uu daryeelay, waxaan xasuustaa dareenkii shacabka Soomaaliyeed”
Kulankan ayaa qayb-ka ah Ololaha Doorashada Musaharrax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si xowli ah xilligaan looga dareemayo magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha nagu soo fool leh uu la kulmo xildhibaannada laga soo doortay Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Banaadir iyo Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada
Figradihiina