Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabudhinta Saxaaafada Xorta Ah: NISA oo loo jeediyey inay Dalka ka mamnuucdo weriyeyaal caan ah

Hay’adda nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa loogu baaqay inay Soomaaliya ka mamnuucdo laba weriye heer caalami ah oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyeen Alshabaab una fidiyaan dacaayadahooda.

Hamza Maxamed oo u shaqeeya Telefishanka Aljazeera qeybtiisa Ingiriiska iyo Jamaal Cusmaan oo la shaqeyn jiray Telefishanka Channel 4 ee fadhigiisu yahay Ingiriiska, dhowaana furtay wabraahinta DALSOOR ayaa dhowaan baahiyay wareysiyo ay la yeesheen Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere.

Wareysiga ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa dacaayad loo fidiyay Alshabaab oo lagu sharcyeynayo falalkooda qarxinta iyo dilka isugu jira ee dadka shacabka ah ay kula kacaan, waxaana NISA ay barteeda twitter-ka soo dhigtay farriin lagu dalbanayo in labadan weriye laga mamnuuco Soomaaliya oo ay soo qortay haweeney Soomaali ah oo sheegtay inay Ashabaab dileen hooyadeed, ayna dhaawac ku yihiin labadan weriye oo dacaayad u sameynaya Alshabaab.

Labadan weriye ayaa xiriir gaara la leh kooxda Alshabaab iyadoo arrintu gaartay heer looga shakiyo inuu jiro qorshe ka dhaxeeya, taasoo ay ugu wacan tahay sida ay Alshabaab u soo dhoweyso, isla markaana degaanada Alshabaab ay sahal ku tagaan, lana kulmaan madaxda sare ee ururkaasi, halka saxafiyiinta caadiga ah ee Soomaaliya iyo Muqdisho ka howlgala Alshabaab kula kacaan si joogto, kuna qarxiyaan goobaha ay isugu tagaan

Xigasho:Somaliwayn

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply