Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
United Nations High Commissioner for Refugees, UNHCR, Portuguese Antonio Manuel de Oliveira Guterres, speaks to the media for the last time as UN High Commissioner for Refugees, during a press conference at the European headquarters of the United Nations in Geneva, Switzerland, 18 December 2015. EPA/SALVATORE DI NOLFI
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa ugu baaqay Dowladda Mareykanka in ay qaado xayiraadaha dhanka socdaalka ee lagu soo rogay Wadamo ay ku jirto Soomaaliya. Xoghaye Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay in amarkan uu saxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan Kooxaha argagixsada ka hor-istaagi doonin gelida Dalka Mareykanka.
“Talaabadan ama armarkan uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka waa mid ka hor-imaanaya sharuucdeena.”, sidaasi ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xoghayaha waxuu ka dalbaday Mareykanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qaadaan xayiraadahan dhanka socdaalka ah ee lagu soo rogay Dalalka Somalia, Iran, Iraq, Libya, Sudan, Syria iyo Yemen
Sikastaba, Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amarkan Jimcihii la soo dhaafay, kaasi oo uu ku sheegay in wax badan looga qabanayo amaanka, islamarkaana looga hortagayo waxa Reer Galbeedka ay ugu yeeraan Argagxisada.
Figradihiina