Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’isul Wasaare K/xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Camar Carte ayaa magaaladda muqdisho kaga dhawaaqay guddiga qaranka ee qaban qaabadda xaflada caleemo saarka iyo maamuuska ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.
Guddiga oo ka kooban lix guddi-hoosaad ayaa waxaa loo xilsaaray inay qabanqaabiyaan, islamarkaana xiriiriyaan hay’adaha u qaybsan qaban-qaabada caaleemo-saarka xafladda Madaxweynaha, waxaa kaloo gudiga loo xilsaaray jaangooynta kharashaadka ku baxaya caleemo saarka iyo sidoo kale inay magacaabaan xubnaha guddi-hoosaadka xafladda,ayna kormeeraan howlaha socda.
Xubnaha Guddiga qaran ee loo xilsaaray xaflada oo ka kooban 8 qof waa dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar cabdirashiid ee waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah
Gabagabadii, Guddigan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay ku dhawaaqaan Waqtiga xaflada iyo goobta lagu qabanayo Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan isagu weli la wareegin xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo maalinta arbacada ee toddobaadkan.
Ceegaag.com
Figradihiina