Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Shiikhaaleed oo Madaxweyne Farmaajo ka dalbatey in Xiligaan iyaga loo Magacaabo Ra’iisul Wasaare

Kulankaan oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayna isugu yimaadeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada  Bahweynta Shiikhaaleed ayna ka qayb galeen Odoyaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada , Waxgaradka , ayaa Ujeedkiisu ahaa sidii Loo Xoojin lahaa Midnimada Beesha Shiikhaaleed, Xaquuqda Siyaasadeed ay Beesha Mudan tahay kuna leedahay dhamaan Maamulada Dalka ka jira sida Maamul Goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah

Ugu Horeyn  Xubnihii  kulanka Hadley Suldaan Nuur Xaaji Cabduqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Muuse , Suldaan Xasan Xaaji Guul wade , Ugaas Cabduqaadir Yuusuf Gobayaa , Ugaas Axmed Shiikh Abiikar, Suldaan Axmed Maxamed (Lixle) Col Cumar Xaaji Ibraahim Gaagaale , Malaaq Xasan Shiikh , Suldaan Maxamed Cumar , Nabdoon  Shiikh Axmed Shiikh Maxamed  Badawi, Nabadoon Maxamed Cali Maxamed , Nabdoon Maxamed Yuusuf Xasan  waxayna Dhamaantood  hoosta ka Xariiqeen in ay Muhiim Tahay Midnimada Beesha islamarkaan ay waajib tahay in Beesha ay hesho Dhamaan Xaquuqaha Aas-saasiga ee ay Beesha ku leedahay Dowladnimada .

“Beessha Shiikhaaleed waxay Dowlda uu Hogaaminaya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dalbaneysaa                                                 in uu soo Magacaabo Shaqsi ka socda Beesha Shiikhaaleed Xilka Raiisul Wasaaraha maadaama ay beesha u aragto in ay mudan tahay in iyaga laga soo magacaabo Xiligaan “ ayey yiraahdeen Xubnhaas oo sheegey in Beesha Xilgaan la joogo ay u aragato  Xilkaas dad ka bixi kara islamrkaana ay Xaq u leedahay Hogaamintaas .

“ la shaqeynta Dowlada Cusub  ee Federaalka wax kasto oo ay ku jirto Dan, Diinta, dadka iyo dalka Diyaar baan u nahay, sidoo kale beesha waxay Ilaah ka baryeen in Abaarta  iyo Colaada ka dulqaado  ayna Badiyaan Baryada Ilaahey , iyagana ay is Caawiyaan “ ayey ku soo Gabgabeeyey Baaqii ay sida Wadajirka ah u soo saareen Beesha Shiikhaaleed

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply