Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XAFLAD QALIN JABIN IYO DAAH-FURKA JAAMACADA CUSUB OO LAGU QABTAY XARUNTA JAAMACADDA MUQDISHO EE BOOSAASO.

Munaasabad aad u sareysa oo ay ku qalin jabinayeen ducadii Shanaad 5 ee ardayda wax ka barata campus-ka jaamacadda muqdisho ee boosaaso iyo Daahfur jaamacad cusub “RED SEA UNIVERSITY ” ayaa ka dhacaday campus-ka jaamacadda Muqdisho .

Daahfurka jaamacadda “Red Sea University” faricii jaamicadda moqdisho ee ku yaallay bosaso oo loo badalay 16 February 2017 jaamicad cusub oo loo baxshay: “Red Sea University” kana madax bannaan jaamacadda moqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa xariga ka jaray madaxwayne ku xigeenka Puntland ooy waheliyeen labada gole iyo masuuliyiin labada jaamacadood Jaamacadda Muqdish iyo RED SEA UNIVERSITY

Waxaa sidoo kale heshiis iskaasi ah ku kala saxiixday isla goobta Gudoomiyaha jaamicadda muqdisho Dr.Ibrahim Mohamed Mursal Cali iyo gudoomiyaha jaamacadda red sea Ustad Abdullahi Sheikh Hassan Abdisalam, waa talaabo loo qaaday dhanka horumarka iyo sidii bulshada soomaaliyeed awoodooda waxbarasho kor loogu qaadi lahaa. Dhanka kale Madaxada dawladda iyo masuuljyiintii kale ee goobta ka hadashay waxay si wayn u soo dhaweeyeen jaamacadda cusub Red Sea University sida horumarka leh ee lagu dalacsiiyey faracii puntland.

Ugudambayntii dawladda puntland waxay gudoonsiisay Prof. Dr. Ali Sheikh Ahmed Gudoomiyii hore ee jaamacadda muqdisho ahna xubin ka tirsan gudiga sarre ee jaamacadda muqdisho shahado sharaf ay ugu abaal gudayso kaalinta uu ku leeyahay horumarka tacliinta somalaaliya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply