Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa shalay lagu dhaariyay magaalada Boston xaafada Roxbury kuliyadeeda Roxbury Community College Elizabeth Warren oo noqotay haweenaydii ugu horeesay ee laga soo doorto gobolkan Massachusetts ee loo doorto aqalka Sare ee baarlamaanka maraykanka (Senate ka).
Dhaartaa oo ay goobjoog ka ahaayeen mudnayaal caana oo ay kamid aheeyeen Senator Kerry oo hada u magacaaban inuu noqdo wasiirka arimaha dibada ee Maraykanka (Secretory of State) iyo Godoomiyaha gobolka Massachusetes Deval Partrick the (Governor).
dhaarta ayaa loo sameeyay xaflad kooban iyada oo Elizabeth Warren balan qaaday inay u dagaalami doonto xuquuqda dadka garabraratada ah (Working class) iyada oo uga dhigatay goobta lagu dhaarinayana RCC si ay ugu mahad celiso dadkii sida aadka ahaa ugu soo baxay inay u codeeyaan oo badanaa ahaa dadka madow oo baadanaa uu codka waayo qofkii ay ka shitaan Heesta don’t worry oo aysan usoo bixin u codayntiisa.
Waxaa dhaartaa hirgalisay Elena Kagan oo ka mid ah sagaalka garyaqaan ee maxkamada Sare ee maraykanka (Supreme Court Justice Elena Kagan). Dhinaca jaaliyada Soomaalida Bostona waxaa Goobjooge ka ahaa Deeqo Jibriil iyo Siciid Xasan iyo shabakadan Ceegaag oo iyada si toos ah loogu casuumay Xaflada Wariye Cabdirisaaq Maxamed Cali (Nuune).
Daawo sawiradii xaflada
Ceegaag.com
Figradihiina