Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda Qatar Charity oo Kun Qoys Barkacayaal ah u Qaybisey Raashin kala Duwan.

Hayadda Qatar Charity oo  ka mid ah hayadaha ka howgala dalka Soomaaliya ayaa  bulshada oo dhanka samafalka iyo Waxbarashada, dhibaatada abaaraha iyo biyo la,aanta waxaan bilowney howlo deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka ay abaaraha biyo la,aanta ay saameeyeen

Hayadda Qatar Charity ayaa Deeq Raashin kala duwan u qaybisey   Kun Qoys kuwaa oo ahaa dad baraakacayaal ah oo ku nool Deegaanka Garas Baaley , waxayna Deeqdaas isugu jirtey Bur, Bariis , Sonkor , Timir iyo Caano

Deeqdaan oo loogu tala galey in ay  qoysaskaas Barkacayaasha ku filnaato Muddo  Laba Bilood ah waxaana maanta ka faaiideystey dadka gaaraya 400 oo qoys,waxaana Goobta lagu qaybiyey Deeqdaas ka hadley Madax Xafiiska

Hayadda Qatar Charity Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali waxaana uu sheegey in Deeqdaan aysan ahayn Tii ugu Horeysey Hadii alla Idmo  iyo Midii ugu dambeysey

“ Waxaan Deeqo hore u gaarsiiney Soomaaliland , Pundland , Galmudug, Koonfur Galbeed  iyo Magaalada Muqdisho   oo ay ku sugan yihiin Dadkii ka soo barakacay Gobolada ugu dhow ee abaartu saameysey “ ayuu Yiri Madaxa Hayadda Qatar Charity isagoo sii hadlaya  waxaa uu yiri

“Waxaan Maalin dhaweyd gaarsiiney 14 Kun oo Qoys Lacago Deeq ah waxaana meesha ka marneyn in Gobolada qaar aan ka wadno howlo biya dhaamin ah  si loogu badbaadiyo dadka iyo Duunyada sidoo kale waxaan gacan ka geysaney in Hayadda Qatar Charity ay gaarsiiso dadka uu  soo  ritey Shuban Biyoodka Daawooyin loogu gargaarayo”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xasan Jimcaale Madaale  ayaa u mahadceliyey Hayadda Qatar Charity iyo Shacabka dalka Qatar sida ay mar waliba u garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee Walaalahooda ah waxaana Goob joog ka ahaa deeqdaas qaybinteeda Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Binu Xamza

Hayadda Qatar Charity Soomaaliya ayaa waxay dalka soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007 waxayna ay qabatay howlo la taaban karo waxaana laga xusi karaa Waxbarashada , Daryeelka agoonta, Qoysaska Danyarta ee ay kafaala qaado iyo ka qeyb qaadashada ama u gurmashada xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan.

Cabdinaasir Yuusuf  Macalin

Muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply