Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jaamacadda Muqdisho ayaa deeq waxa ay gaarsiisay in kabadan boqol qoys oo ah dadka ay saamaynta ku yeelatay abaaraha iyo biyo la’aanta ee kasoo barakacay deegaanadoodii.
deeqdan oo isugu jirtay bariis, sonkor, caano, timir, baco, saliid, iyo caagadaha biyaha ayaa waxaa ka faa’idaystay in kabadan boqol qoys oo kamid ahaa dadkii ay saamaysay abaaraha iyo biyo la’aanta.
sidoo kale waxay maamulka jaamacadda balan qaadeen in lix musqulood laga qodi doono maalinta beri ah haduu Alle idmo.
Ardada Jaamacadda Muqdisho ayaa ka qayb qaadanayay dhismaha aqaladaas si ay uga galaan kuleelka jira ayna unoqoto hoy ay kunoolaadaan.
ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay guddoomiyha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa umahad celiyay ardayda maamulka macalamiinta iyo shaqaalaha guud ee jaamacada muqdisho gacanta ay ufidiyeen dadka walaalahooda ee dhibaataysan.
“waxaan aaminsahay kuna kalsoonahay in dadkeena aan samata bixin karno hadii aan qof walba awoodiisa iyo waxii uu kari karo dhiibo dadka dibadda jooga iyo kuwa gudaha joogaba” ayuu yiri guddoomiyaha jaamcadda muqdisho.
“deeqdan waan sii wadi doonaa inta karaankayaga ah inagoo marwalba eegayna hadba waxa aan gaarsiin karno sida caafimaadka iyo cuntooyinka ay u baahanyihiin dadka ay nafaqa darada hayso” ayuu sii raaciyay guddoomiya Jaamacada muqdisho Dr. Ibraahim maxamed mursal
waxaa isna kamahad celiyay suldaan Cabdulqaadir Sheekh Yuusuf (gabyaa) oo sheegay in deeqdan ay Jaamacadda Muqdisho soo gaarsiisay barakacayaash ay tahay mid wax wayn utari doonto iyadoo deeqdan ay kamuuqato is xilqaam iyo badbaadin dad aad ujilicsan cuntooyinkii loogu talagay “waxaan bulshada soomaaliyeed kacodsanayaa in talaabada ay Jaamacadda Muqdisho ay qaaday ay ku daysadaan”.
deeqdan ayaa daba joogta hadalkii uu yiri ama uu ku baaqay guddoomiya jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ee ahaa ” in dhamaan bahda Jaamacadda Muqdisho ay isku taagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg deg ah una gaarsiin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaartu kudhufatay gargaar”.
deeqbixintan ayaa waxay kusoo idlaatay jawi qurux badan.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
Figradihiina