Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gumadka degdega ah ee abaaraha ee Jaamaca-dda Muqdisho oo galay bishii 4aad maxaa ka cusub!

Jaamacadda Muqdisho waxa ay u taagantsahay waxbarashada tacliinta sare ee dhalinta soomaliyeed iyo adeega bulshada  tan iyo markii la aasaassay 1997.

Jaamacaddu waxa leedahay todoba hadaf oo balbalaaran oo uu ka mid yahay in ay ka qayb qaadadato gargaarka iyo gurmadka bulshada marka ay dhacaaan Abaaraha, Fatahaadaha, Cudurada, Colaadaha ama xaaladkasta oo la soo darista Bulshada.

Labadii sano ee u danbaysay abaaro ayaa saameeyay meelo badan oo dalka ka mid ah, hadaba, Jamacadda Muqdisho waxa ay ugurmad la garabtaagantahay dadka ku barakacay ama ku hantibeelay abaartaas.

Gargaarka ay Jaamacaddu wadaa waxa uu isugu jiraa raashin  qaybin, daawaynta bukaanka iyo dearyeelka guud.

BARRNAAMIJKA DAAWAYNTA

Barrnaamijka daawaynta waxaa fulintiisa ku hawlan kuliyadaha MEDICINE AND SURGERY iyo HEALTH SCIENCE, laga soo bilaabo Maarso 2017, waxayna ka socota sadax goobood oo ay dganyihiin baracacayaashu oo ku yaala gobalka banaadir , shabeelada hose iyo bay. waxaa ka faaiidaystay ilaa hadda 13788 bukaan oo caruur iyo haween u badan.  Hasha daawaynta waxaa wada 27 qof oo dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo hawlwadeenno mutadawiciin ah. Daawanta waxaa dhinac socda qaybinta cutada nafaqaysan fayadharka, iyo dharka.

 CIIDAYSIINTA DANYARTA 

Xarunta barakacayaasha lagu daawaynayo ee gobalka Banaadir iyadoo lagu guda jiro tobankii dambe ee barakada badnaay ee ramadaan ayaa jaamacadda Muqdisho u qaybisay dharkii ciidda oo la gaarsiiyay 200 oo qoys, lana ciidsiiyay 600 oo caruur,dumar iyo rag ah.

Mahadi ha ka gaadhee, dharka ciidda waxaa u soo dhiibay danyarta,  gabdhaha soomaliyeed ee lagu magacaabo DHIBCO KU TUUR ABAARTA (Drop for drought) oo ka tirsan jaaliyaaddeena uk iyo ardayda jaamacadda muqdisho.

BARNAAMIJKA CUNTA QAYBINT

Dhinaca kale sadaxdii bilood ee la soo dhaafay, jaamacadda Muqdisho waxay cunto, biyo iyo agab kale gaarsiisay 1350 qays, Gobalada Banaadir, shabeelaha dhexe, galguduud, jubada hoose, Bay iyo Bakool.

Waxaa xusid mudan walalaha sida “SOMALI FACE, MAANDEEQ, XARUNTA ISKAASHIGA ISLAAMKA EE NORWAY,  DROP FOR DROUGHT IYO SHAQSIYAAD KALE OO SOOMAALI MUXSINIIN AH” oo dhamaantood gacan balaaran ka gayteen deeqahaa kal duwan.

Waxaan Alle uga baryaynaa in khayr badan ugu badalo, soomaliayana  abaarta iyo colaadaha ka saaro, hormarna nagu galadaysto.

Mahadsanidiin CIID WANAAGSAN

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply