Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir looga arinsanayay aayaha Maamulka Khaatumo State oo lagu qabtay Columbus OH

Columbus Ohio Aug 21,2017. Shirkan oo ay soo abaabuleen Jaaliyada Khatumo ee Columbus waxaa ka soo qeybgalay Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano reer Kharumo ah oo ka kala yimi gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

Ujeedka shirkan waxaa gundhig u ahaa helida Khaatumo mid ah iyo ilaalinta Jiritaanka Khaatumo iyada oo la saxayo Ciriqyadda Guntan ee aan ku haboonayn Maamulkani.
Qaar kamid ah dadkii dhidibada u taagay Khaatumo ayaa si dheer uga warbixiyay halkii laga yimi iyo halka iminka la joogo taas oo loo bahanyahay in la isla fahmo in Maamulku u ahmiyad muhiim ah u lahaa shacabka Sool,Sanaag & Cayn kuwaas oo hiigsanaya Qaranimo Soomaaliyeed.
Waxaa farta lagu fiiqay in xal loo helo khaladaad ka jira Madaxda Maamulka, si aan loo dhaawicin halgan mudo soo socday kuna Baxay Nad, Maal iyo Waqti intab.
Waxaa sadexdii cisho ee la soo dhaafay ay waxgaradkani kulamo gooni gooni ah ku lahayeen Columbus kuwaas oo ahaa Turxaanbixin iyo xal raadin.
Waxa ay ka soo qeybgalayaashu Su’aalo weydiiyeen qaar kamid ah Masuuliyinta Khatumo iyaga oo wax ka weydiiyay wada hadaladii Khatumo iyo Somaliland, iyo sababta ku kaliftay Cali Khalif Galaydh in uu halkaas aado.
Shirkan ayaa horudhac u noqonaya Shirar kale oo lagu balansanyahay Gudaha dalkii Soomaaliya iyo dibada kuwaas oo lagu adkaynayo jiritaanka iyo midnimada shacabka Khatumo State
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply