Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ku: Gudoomiyeyaasha iyo
gudiyada Jaaliyadaha
Ku: Qurba Joogta Reer
Khaatumo
Ku: Golaha Board ka
Jaaliyadaha
Taariikhda: 1 Oct 2017
ASALAMU CALAYKUM
Waxaan la socod sii nayaa dhamaan
Madaxda iyo Masuuliyiinta, hawlwadeenada , Waxgaradkaba iyo bulsha waynta Reer Khaatumo ee ku jirta golaha Mudanayaal iyo Marwooyinba: inaanan sii wadi karayn hawshii gudoomiyenimo ee Jaaliyadaha KDO, kadib markaan arkay qaab dhaqan ka iyo xaaladaha la marayo, anigoon wakhtiga iyo duruufahu aanay iisaamaxayn inaan sii wado xilkaa iyo masuuliyadaa ay Bulshadu ii dhiibatay. maadaama ay adkaatay inaan sii wado hawshii gudoomiye nimo ee KDO, waxaan si niyadsami leh u Soo gudbinayaa iscasilaadayda. Waxaan uga mahad celinayaa dhamaan hawl wadeena dii mudadii aan Bulshada u shaqay nayay Sida wanaagsan iigu gacan siinayay, garabna iigu ahaa inaan qabto waajibaadka iga saaran Xilka Umadda aan u hayay. Waxaan si mutadawacnimo leh ugu ahay diyaar inaan gacan ka gaysto hawsha halganka ee socotaintii awoodayda ah, anigoo ah Muwaadin ka mida Bulshada Reer Khaatumo, anigoo gacan ku siinaya cid walba oo wanaaga iyo wada jir ka Umadda ka shaqynaysa.
waxan idiin balan qaadayaa inaanan marna qayb ka noqon doonin cid ka shaqaynaysa burburka Maamulka ay dhisteen Bulshada Reer Khaatumo.
waxaan ka codsanayaa Gudoomiyeyaasha iyo Golaha Board ka KDO inay qabtaan kulan degdega, iyagoo raacaya Xeer hoosaadka KDO, ay ku Soo magcaabayaan cidii aan ku wareejin lahaa Xilka.
WABILLAAHI TAWFIIQ
Guul iyo Gobanimo
Eng. Mohamed Jebril, Birmingham, UK
Figradihiina