Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kulanka oo ka dhacay aqalka cad ee looga taliyo dalkan Mareykanka ayaa waxaa ay labada Madaxweyne kaga wada-hadleen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo isbedalka dowladnimo ee Soomaaliya ka hana-qaaday, gaar ahaan marka la eego habka ay nidaamka dowladnimada u wajahayso dowladda cusub ee u hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay kulanka labadda madaxweyne ayaa lagu sheegay, “in uu madaxweynaha Soomaaliya ogyahay in ay dowladdiisa hortaalo caqabado fara-badan, laakiin waxaa uu rejo wanaagsan ka muujiyey mustaqbalka Soomaaliya.”
Markii uu dhamaaday kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya la qaatay dhiiggiisa dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa waxaa uu sidoo kale la kulamay xoghaya arrimaha dibadda Hillary Clinton, iyadoona markii uu kulankoodu uu soo dhammaadayna ay si wada-jir ah ula hadleen qolyaha wararka fidiya.
“Wali waxaa ina sugaya wado dheer iyo caqabado fara badan oo ay tahay in aan la macaamilno, laakiin waxaan arkaynaa aas-aaska mustaqbal wanaagsan,” ayey tiri xoghayaha arrimaha dibadda, iyadoo garab taagan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Clinton waxaa ay soo dhaweysay ficillada lagula dagaalamayo xagjirnimada tan iyo markii ay bishii Janaayo ee sanaddii 2009-kii ay la wareegtay xaafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, waqtigaasi oo kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-shabab ay ka talinaysay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, islamarkaasina ay u muuqdeen kuwa awoodaada dhul qabsashada ay sii kordhaysay.
Xoghayaha arrimada dibadda Mareykanka Hillary Clinton, ayaa sheegtay in kooxdaasi Al-Shabaab laga saaray magaaladda Muqdisho caasimadda wadanka iyo magaalooyin kale oo waaweyn oo Soomaaliya ku yaala.
“Inkastoo ay la dagaalamayaan xagjirnimada, hadana dhinaca kale hogaamiyeyaasha Soomaalidu waxaa ay isku dayayeen in ay dalka ka hirgaliyaan dowlad dimuquraadi ah, taasina waa ay sameeyeen – – waxaa ay soo doorteen madaxweyne cusub, baarlamaan cusub, Ra’isal wasaare cusub iyo Dastuur cusub,” ayey tiri Hillary Clinton.
Clinton waxaa ay sheegtay in dowladda Mareykanku ay taageerayso isbeddalka Soomaaliya ka dhacay, islamarkaasina ay dhaqaale ku bixin doonto, iyadoona in $650 milyan ku bixin doonta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya (AMISOM), in ka badan $130 milyan oo la siin-doono ciidamada xooga Soomaaliya, in ka badan $45 milyan oo loogu talo galay in wax loo qorsheeyey horumarinta iyo soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo waliba ku dhawaad $360 milyan ay dowladda Mareykanku siisay in wax looga qabto arrimaha bini’aadamnimada iyo gargaarka degdeg ah labadii sano ee la soo dhaafay.
Dhiniciisa, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna markii uu hadlayey waxaa uu u mahadceliyey dowladda Mareykanka soo dhaweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdiisa iyo waliba taageeradii ay la garab-istaagtay dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isagoo madaxweynuhu sheegay in ay dowladda Mareykanku ay ahayd deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, gaar ahaan marka laga hadlayo gargaarka aadanaha iyo waliba ammaanka.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay soo martay marxalad iyo waqti dhib badan, oo ay gundhig u ahaayeen khas iyo xasilooni-daro, sida xagjirnimo iyo burcadbadeednimo, islamarkaasina uu haatan u bilowday waa cusub oo leh nabad buuxda iyo horumar.
“Waxaan ka shaqeynaynaa Soomaaliya oo iyadu dhexdeeda nabad ah, dariskeeduna ay ka nabad-galaan, islamarkaana ay mawaadiniinteedu ay noloshooda u soo dhacsadaan si nabad ah, islamarkaana aysan werwer ka qabin nabad-galyada qoyskooda. Xasilooni-darada, qaska xagjirnimada iyo dambiyada Soomaaliya ka jira iyada kaliya khatar kuma ahan, laakiin waxaa ay dhibaato ku yihiin gobolka iyo guud ahaan adduunka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya waxaa ay faraha la gashay burbur iyo qas tan iyo markii hogaamiye kooxeedyo qabaa’il iyo maleeshiyooyin hubeysani ay tuureen dowladdii militeriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre oo muddo 21 sanno ah dalka maamulaysay.
Wixii xiligaasi ka dambeeyey Dowladda Mareykanku Soomaaliya lama laheyn xiriir dimulumaasiyadeed oo toos ah, waxaana xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Hillary Clinton ay sheegtay in ay xiriirkaasi soo cilisay dimuquraadiga iyo isbeddalka Soomaaliya ka dhacay, islamarkaana haatan uu u bilowday waa cusub labada dal.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii maalin ee uu ku sugnaa Mareykanka waxaa uu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Washington iyo magaalooyinka kale ee dariska la ah, iyadoona oo uu madaxweynuhu habeenka jimcaha uu gaari-doona gobolka Minnesota oo ah meel ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool.
Waxaana madaxweynuhu kulamadaasi uu la qaadanayo jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Mareykanka uu uga sharaxayaa xaaladda uu dalku marayo, isbeddalada la sameeyey, iyo waliba siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarka iyo dib-u-dhiska dalka ka soconaya.
Figradihiina