Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa maanta furmay Aqoonisweydaarsiga sannadalaha saddexaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed, Oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee ISOS ee hoos taga Jaamacadda Muqdisho.
Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno iyo waxgarad Soomaaliyeed, oo ka kala tirasan qaybaha bulshada.
Ugu horeyn waxaa kahadlay agaasimaha machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ee ISOS ustaad Mustafa Cabdullahi Fayruus oo umahad celiyay kasoo qaybgalayaashii madasha oo isug jiray cilmi baariyaal iyo kuwa kakala socday qaybaha bulshada ay ka koobantahay wuxuuna sheegay:-
” Aqoon iswaydaarsigan waa aqoon isweydaarsigii saddexaad oo noociisa ah, markii ugu horaysay la daahfuray sanadkii 2014 wuxuuna kaga duwan yahay sanadkan sanadihii hore in sannadkan waxaa halkudheg u ah (Adkaysiga iyo Sookabashada Bulsho Colaadi Halakaysay) (Revisiting War-torn Somali Society: Resilience and Recovery)” ayuu yiri agaasimaha machadka ISOS.
Waxaa kaloo halkaas kahadlay guddoomiye kuxigeenka arimaha xiriirka Jaamacadda Muqdisho Proff. Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) iyo agaasimaha tacliinta sare iyo dhaqanka ee dawlada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan Sh Axmed Fiqi ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay cilmi baarista Soomaaliyeed waxayna u mahad celiyeen machadka daraasaadka Soomaaliyeed ee ISOS iyo Jaamacadda Muqdisho oo gartay muhiimada ay leedahay cilmi baarista iyo faa’idada balaaran ay ku jirta waxayna kula dardaarameen inay sii balaariyaan aqoon iswaydaarsigaan seddax jirsaday.
Aqoonyahannadu waxay madashan ku soo bandhigi doonaan daraasado kala duwan oo taabanaysa dhinacyo kala duwan iyagoo ka fiirinayaan sooyaalka xaaladda Soomaaliya sababaha keenay, natiijada iyo dhibaatada ka dhalatay, iyo siyaabaha mudan in loola falgalo.
waxay ka koobantahay shan fadhi ama session oo kala duwan, fadhi kastana waxaa lagu soo bandhigayaa dhowr daraasadood oo ku wada saabsan dhinacyo kamid ah nolosha.
Guud ahaan waxay ka faa’idaysan doonaan 15 daraasadood oo ay soo bandhigayaan 15 cilmi baarayaal Soomaaliyeed.
Figradihiina