Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Cabdla Maxamuud Haybe Cagalule ayaa marti ku ahaa madasha 60ka. Mudane Cagalule ayaa la waydiiyay waxa ay kula duwan yihiin isaga iyo Cali Khaliif maadaama ay labadu sheeganayaan inay madaxwayne u yihiin Maamulka Khaatumo isaga oo ka jawaabaya su’aashaana waxa uu yidhi Dr. Cali Khaliif wuxuu ku biiray Somaliland sida awgeedna uu dastuuriyan u waayay xasaanadii madaxwayne ee uu u hayay shacabka deegaanada SSC. Isaguna in uu xilka ku helay Dastuuriyan maadaama uu ku shaqeenayo rabitaanka shacabka SSC.
Sidoo kale waxaa la waydiiyay xaalada uu maamulkiisu marayo iyo xidhiidhka ka dhexeeya maamul goboleedada kale ee ka jira dalka siiba kan Puntland, Mudane Cagalule ayaa uga jawaaabay arintaa inay haatan ahayn maamul goboleed la’aqoonsan yahay ayna doonayaan in ay xidhiidh fiican ay rajeenayaan inay layeeshaan maamulada Soomaaliya ka jira dhamaantood, Puntland ay muhiim tahay in iyadu ka tanaasusho siyaasiyan deegaanadan, ogolaadaana jiritaanka iyo dib uso noolaanshaha siyaada deegaanadan SSC gaarka u leeyihiin.
Dhagayso Waraysigaa
Ceegaag.com
Figradihiina