Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hay’adda Qatar Charity oo kamid ah hay’addaha kahowlgala dalka Soomaaliya kana mid ah hay’addaha waxku oolka ah ee shacbiga Soomaaliyeed markasta gaarsiiya kaalmo waxku ool ah.
Sida lagu yaqaano hay’adda Qatar Charity ayaa afur ubilawday qoysas gaaraya 4500 qof oo kukala sugan qaar kamid ah gobolada dalka afurintan ayaa socondoonta inta lagu guda jiro bisha ramadaan.
Kaalmadaan afurinta ah ayaa waxay kusoo beegantay xili ay shacbiga Soomaliyeed ay u baahnaayeen inay helaan kaalmo noocaan ah.
Madaxa hay’adda Qatar Charity ee xafiiska Soomaaliya mudane Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa sheegay in hay’adda Qatar ay markasta kago’antahay inay hawlihii ay horay shacbiga u haysay ay sii labalaabayso bisha Ramadan oo aan ognahay in hawlaha ay balaartan wuxuuna sheegay in hawlihii ay horay shacbiga ugu hayeen ay sii laba jibaari doonaan.
Hayadda Qatar Charity Soomaaliya ayaa waxay dalka soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007, hawlaha uu qabto waxaa kamid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, afurinta dadka sooman, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeenta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiinta.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
ceegaag.com
Figradihiina