Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
WAR-SAXAAFADEED Mogadishu, June 04 2018
1. Waxaan ku baaqaynaa in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ay tahay muqaddas dastuuri ah,
2. Waxaan u caddaynaynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sida ay horeyba ay isimadu u cadeeyeen in uusan jirin heshiis dhexmaray Somaliland iyo dadka degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ku saabsan kala goynta qaranka Soomaaliyeed.
3. Waxaan Caddaynaynaa in gobolna gobol kale khasab ku xukumi Karin, waxayna kasoo horjeedaa xeerka iyo dhaqanka suuban ee bulshada soomaaliyeed iyo xuquuqul insaanka caalamiga ah.
4. Waxaan cambaaraynaynaa maamulka Muuse Biixi cabudhinta, xadhiga iyo bahdilka uu kuhayo saxaafada, maatada iyo dadka jilicsan ee Gobolka Sool, islamarkana loogu diidayo xorriyada fikirkooda iyo rabitaankooda midnimada Jamuuriyada Soomaaliya.
5. Waxaan ka digaynaa hadii uu sii socdo tacaddiga iyo dhibta dadka Sool, Sanaag iyo Cayn uu ku hayo maamulka Muusa Biixi in ay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo colaad raagta.
6. Waxaan Dowladda Puntland si buuxda ugu taageeraynaa soo celinta deegaanadii hore looga qabsaday lagasoo bilaabo 2004 ilaa 2018.
7. Waxaan ugu baaqaynaa shacabweynaha Sool, Sanaag iyo Cayn in ay taageero buuxda siiyaan Dowladda Puntland si ay ugu fududaato soo celinta deegaanada maqan.
8. Waxaan kaloo ugu baaqayna Beesha Caalamka in aysan keenin talo aysan ka dhalan doonin xal nabadeed oo waara.
9. Ugu danbayn, waxaan dowlada Federaalka ah iyo beesha caalamka ugu baaqaynaa in gurmad balaadhan oo degdeg ah lala gaadho dadka ku barakacay colaada gobolka Sool.
Masuuliyiinta Golayaasha Dowladda Federaalka baaqa soo saaray waxay kala yihiin:
1. Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
2. Senator Cabdisalaan Xaaji Maxmuud
3. Senator Hodan Maxmuud Cismaan
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangeli
5. Xildhibaan Axmed Maxamed Axmed
6. Xildhibaan Axmed Ismaaciil Shabeel
7. Xildhibaan Canab Xasan Cilmi
8. Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame
9. Xildhibaan Da’ud Maxamed Cumar
10. Xildhibaan Ikraam Yuusuf Xirsi
11. Xildhibaan Sharmarke Garaad Saleban Burale
Figradihiina