Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Midkamida dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay qaraxii 14 October ee ka jawaabay baaqii madaxwayne Farmaajo ayaa maxkamada darajada 1aad ee ciidanka qalabka sida ay ku xukuntay 5sanadood oo xadhiga kadib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen amardiido.
Dhalintan oo ku biiray Ciidmada Qalabka sida ayaa dhamaantood kasoo jeeda gobolka Sool taa soo keentay dhaqdhaqaaq shacab oo ka dhacay baraha bulshada. Hadaba waakan waryasigii ee dhagaysi wanaagsan.
Waakan warkii Dhalintu
Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa 18 askari oo katirsan guuta 14ka October ciidanka xooga dalka somaliyeed ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah
iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-askari oo ka tirsan Guutada 14ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda D, 1-aad go’aan ka soo saartay
dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha. oo kala ah
Dable Xoogga dalka:-
1:=Xuseen Baashi Cawad Canshuur,
2:=C/wali Ibraahim Max’d Xasan,
3:=Sharmarke Cabdi Max’d Nuur,
4:=Ismaaciil Saciid Muuse Xiir,
5:=C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud,
6:=C/shakuur Max’d Xirsi Cali,
7:=Fatxi Aadan Cali Yuusuf,
8:=Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige,
9:=C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne,
10:=Max’d Axm’d Dhalac Cabdi,
11:=C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi,
12:=C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise,
13:=Daahir Max’ud Gurxan Cali,
14:=Ax’d Jaamac Siid Cali,
15:=Cabdi Xasan Max’ud jaamac,
16:=Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi,
17:=Cali Max’d Abyan Cilmi iyo
18:=Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay min 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si isku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad
dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.
Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli ramadan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.
Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii xasuuqa aheyd ee argagixisada ka geysteen isgoyska Ex, Soobe oo loogu magac daray 14-ka October, waxa ay guutadan ka mid tahay ciidamada sida gaarka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu faani karaan.
Ceegaag.com
Figradihiina