Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi kasoda magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo gudoomiyaha odayaasha Jubooyinka ayaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib booqasho ay ku yimaadeen markoodii ugu horaysay.
Wefdiga ayaa maanta la shiray masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland, gudoomiyaha rugta ganacsiga Siciid Xuseen Ciid oo furay shirka ayaa sheegay kulanka in looga hadlay cilaaqaadka ganacsiga gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo Puntland.
Waxaa uu sheegay kulanka inuu qayb ka yahay shir horay uga dhacay Istambuul Turkey oo diiradda lagu saarayay hormarinta cilaaqaadka maayarada Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga labada maamul, waxaa intaasi uu raaciyay wafdiga inay isku afgarteen cilaaqaad ganacsi inuu dhexmaro Garowe iyo Gaarisa oo dhawaan la mataaneeyey.
Gudoomiyaha Gaarisa Ismaaciil Cabdi Garaad oo hadlay ayaa isagana xusay inay qorsheynayaan wada shaqayn ay la yeeshaan magaalooyinka Puntland, sidoo kale waxaa uu sheegay ganacsatada Puntland inay kala hadleen wada shaqayn iyo hormar ganacsi inay la yeeshaan, ayna rajaynayaan wafdi ganacsato oo reer Puntland inay booqdaan Gaarisa.
Waxaa uu ka mahadceliyay soo dhoweyn uu kala kulmay bulshada Puntland magaalooyinkii ay booqdeen sida Garowe, Gaalkacyo iyo magaalada Bosaso oo xiligaan ay soo gaareen.
Gudoomiyaha odayaasha Jubooyinka Khaliif Sheekh ayaa gabagabadii la hadlay warbaahinta , waxaana uu tilmaamay meel wanaagsan inay marayso dhismaha maamulka Jubbaland, isagoo rajo ka muujiyay booqashooyinkan oo kale inay ku yimaadaan Puntland marka lasoo dhiso maamulka Jubbaland.
Wafdiga Jubooyinka iyo Gaarisa kasocda ee soo gaaray Bosaso ayaa la filayaa saacadaha soo aadan inay la kulmaan madaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
Xigasho:Horseed
Figradihiina