Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad lagu maamuusayay 20 guuradii Jaamacadda Muqdisho 1997-2017 ayaa lagu qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Xafladan oo ahayd mid kakoobnayd qaybo farabadan ayaa waxaa lagusoo bandhigay film iyo suugaan katurjumaya bilawgii jaamacadda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadda Muqdisho 20-kii sano ee ay howlaha balaaran u haysay shacbiga Soomaaliyeed.
Ugu horayn waxaa kahadlay Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ah guddoomiye kuxigeenka arimaha xiriirka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa soo dhaweeyay kasoo qaybgalayaashii munaasabada qiimaha badan isagoona ku amaanay waqtiga ay soo hureen.
Dr. Zaciima Cabdullaahi Xaaji oo kuhadlaysay magaca ardaydii horey uga qalin jibisay Jaamacadda Muqdisho qaadatayna shahaadada ugu saraysa ee Phd. iyadoo dareenkeeda cabiraysa ayay tiri
“Maanta waxay iitahay maalin farxadeed, maalin qiima badan, maalin aan dareemaayo guula farabadan inay Jaamacadda Muqdisho usoo hoysay shacbiga Soomaaliyeed.”
“Hadii aan rabno inaan isbadalno waa inaan waxbarashada hiil iyo hooba lagarab taagnaaano. Waxaa ii muuqata maanta yididiilo aad uwanaagsan oo horumaro badan lagusii samayn karo bilawgii Jaamacadana qofkii joogay iyo heerka hadda lamarayo unbaa garan kara.” ayay tiri Dr. Zaciima Cabdullaahi Xaaji.
Waxayna umahad celisay maamulka, macalimiinta iyo hawlwadeenada kashaqeeya Jaamacadda Muqdisho kaalintii ay shacbiga Soomaaliyeed usoo qabateen.
Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ahaa guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho soo hogaamiyay xiliyo aan lahilmaami karin ayaa yiri
“Maanta macabiri karo farxadayda waxaa ii muuqata arday badan oo Jaamacadda Muqdisho kabaxay oo haysta shahaadada ugu saraysa sida Master degree iyo Phd. waxaan daawanayaa ardadii jaamacadda kabaxday oo ah hogaamiyayaal dhanka bangiyada, Jaamacadaha dalka, shirkadaha iyo hay’adaha dawlada.” ayuu yiri Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.
“waxaa farxad iigu filan in aan maanta ladabaaldagayo hogaankii aan xilka kuwareejiyay 2 sano kahor iyagoo waxbadan kusoo kordhiyay mudadii ay xilka hayeen. waxaan uhambalyeynayaa guud ahaan ardaydii horay u qalin jabisay iyo inta hadda dhigata qoysaskooda iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed garab istaagoodii wanaagsanaana mahilmaami doono.” ayuu hadalkii sii raaciyay Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.
“sidoo kale aan ugu mahadceliyo aasaasayaashii Allaha waafijiyay aasaaska jaamacadda iyo inta gacan kagaysatay sidii ay ummada ugu adeegi lahayd heerka caalami ay joogtana kusoo gaari lahayd. guul iyo horumar joogta ah ayaan u rajaynayaa Jaamacadda Muqdisho.” ayuu hadalkii kusoo gabagabeeyay Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.
Dadkii kahadlay waxaa kamid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa umahadceliyay Jaamacadda Muqdisho oo maanta udabaaldagaysa 20-sano guuradii kasoo wareegatay aasaaskeeda wuxuuna urajeeyay inay guulo badan sii gaarto iyo horumar.
Sidoo kale waxaa isna halkaa kahadlay mudane Faarax Macalin oo mar soo noqday guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka dalka Kenya ayaa yiri
“farxad ayay ii tahay inaan munaasabadan qiimaha badan kasoo qayb galo waxaana marqaati ka ahay inaad badbaadiseen ummadan waana tan maanta aynu joogno oo ah in Jaamacadda Muqdisho ay 20 jirsatay waana wax lagu faano. waxaa ii qorshaysan in wiilkayga ayaan rabaa inaan Jaamacadda Muqdisho uuna kabarto kuliyada caafimaadka.” ayuu yiri Mudane Faarax Macalin.
“waxaad ogaataan in tacliintu ay tahay waxa ugu wanaagsan ee waqti lagaliyo wayna kamuuqataa in Jaamacaddu Muqdisho waqti badan lagaliyay.” ayuu hadalkii sii raaciyay mudane Faarax Macalin.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa yiri “waxaa wax lalayaaba ahaa in furitaankii Jaamacadda Muqdisho 1997-kii ay dad aqoonyahano kufikiraan in waxbarasho dalka laga furi karo iyadoo aan ognahay xaaladu dalka xiligaas meesha ay maraysay. waxaan umahad celinayaa dadkii soo garab istaagay in Jaamacaddu ay heerkan soo gaarto sida bahda tacliinta, iyo bulshada rayidka kaalintii aan lahilmaami karin ay ku lahaayeen.” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.
Sidoo kale waxaa isna hadal qiimo badan kajeediyay wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dawlada federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre isagoo umahad celiyay howsha baaxada leh ee Jaamacadda Muqdisho ummada u haysay annagoo maanta u joogna munaasabada 20-sano guurada Jaamacadda Muqdisho.
“waxaan balan qaadaynaa inaan is garab taagno Jaamacadaha dalka waxaana kula dardaaramayaa in Jaamacadaha dalka tirada ay fiicantahay laakiin tayadana aan kor uqaadno si’aan shacbigeena Soomaaliyeed ugaarsiino horumar iyo guulo farabadan.” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare.
Ugu dambayn Jaamacadu waxay halkaa kubixisay abaalmarino kala duwan oo ku aadanayd 20-sano guuradii Jaamacadda Muqdisho.
Ceegaag.com
Figradihiina