Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu baxay xarumaha Midowga Afrika iyo Yurub

Waxaa maanta  oo Sabti ah  ka duuley magaalada Muqdisho wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku tegaaya dalalka Itoobiya iyo Biljimka.

Wefdigaan uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uga qeybgalaya Shir madaxeedka, wadamada Midowga Afrika kaa soo dhawaan furmaya.

Shir Madaxeedka Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay kamid yihiin xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyo xiisadda ka taagan dalka Mali.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa Itoobiya kadib lagu wadaa inuu u safro Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka, halkaas oo ah xarunta wadamada Midowga Yurub ku jira, Madaxweynaha ayaa kaga qeybgali doono Kulan ay isugu imaan doonaan hogaamiyeyaal ka socda Dowladdaha ku bahoobay Midowga Yurub, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kusii sagootiyay Wasiirka kowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag