Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
taariikhdu kolkay ahayd oct 29, 2016 wuxuu qoray qoraalkan hoose: Ilaahay ha kuu naxariisto walaakay Faysal Muxumed Cumar. Geeridu waa xaq. Duliga iyo adoonsigaa dhimasho ah ee kuligeen waan wada soconaa. Xaalada aabahay Muxumed Cumar Dubad ayaa ka liidata ta walaalkay. Inuu la dhintaan ka jeclaan lahaa siduu hada ku jiro.
Caawa insha allah ayaan faahfaahin Video ah soo gudbin doonaa siday wax u dhaceen, waxa dilka keenay iyo waxa inala gudboon. Dilka waxaa amray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Laakin waxaa iyana fulintiisa si toos ah uga qayb qaatay saddexdan qof:
1. Khadar Abdi oo maalin dhoweyd aan facebook ku muranay ahna seediga madaxweynaha
2. Ibrahim Maxamuud Mubaarag oo ah hoggan ku xigeenka Xafiiska nabadgyada ahna nin aan ilmaadeer labaad nahay, aabahayna wiilkiisa oo kale u ahaan jiray
3. Mahad Khalif oo isna ah nin aan ilmaadeer nahay oo todobaadkan oo dhan ila soo hadlayey ahaana ninka fariimaha kala gudbinayay isagoo codsigiisu ahaa Madaxweyne Cabdi la soo hadal una sheeg inaad ka noqotay fariimihii aad facebuuga ka sheegi jirtay. Facebuugana waxaad soo dhigtaa inaad dawlada taageersan tahay. Mahad wuxuu magalada dhagaxbuur soo galay xalay fiidkii isagoo wada fariintii qorsha dilkan lagu fulinayey.
Dilkani inkasta oo uu la xidhiidho xurguftii noo dhaxaysay aniga iyo Madaxweyne Cabdi ee la wada ogaa, hadaa waxaan qabaa inuuna arintaas darteed ahayn.
Waxaa dilka keenay kadib markii xubno ka tirsan dawlada Federalka uu gaadhay warka reerkayaga oo ay gaadhsiisay xafiiska aan la shaqeeyo ee UNta kadibna ay yidhaahdee arintan anagu ma ogine 3 cisho na siiya oo aan ku xalino.
Cabdi waxa uu tusayaa shacabka argagaxsan in cid isaga ka xoogwayn ayna jirin, sharci jirin, sida uu doonana uu yeeli karo. Kuwa meesha u dhiibtay bay u taalaa siday arintaa ka yeelayaan iyo inayna sina ka yeelayn. Ujeedada dilkani waa in la sii argagxiyo shacabka reerkayagana looga dhigo tusaale waxa ku dhacaya cidii is tidhaa dhibaatada shacabka haysta sheeg. Waayo hadii dawlada Federalku Cabdi reerkayaga ka fujiso, wadanka ma sii xukumayo oo dad kale ayaa iyana dhiiran.
Aniga hawsha ii taalaa waa inaan diido dulmi. Waxaan ogahay in geeridan walaalkay ayna ahayn tii u dambaysay ee aan maqli doono. Waxaan rumaysnahay in walaaladay gabdho iyo wiilalba ay maalmaha soo socda ku xidhi doonaan. Dulmigani kuma dhamaanayo cabsi iyo xanuun. Intii fikirkaa igi raacaysa soo dhawaada, intii kale ee leh dulimigu intuu xaafadayda soo galayaan sugayaa yeelkiin.
Dhiiga walaalkay hadii ilaahay ummada faraj uga dhigo oo kumanaanka kale ee hoos u ooyayaa ay cadaalad helaan waxaan u arkayaa guul aad u weyn.
Ilaahay ha kuu naxariisto walaalkay
Xigasho
Figradihiina