Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Muqdisho 29-08-2018. Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka qayb galka  shirkan uu muhiimad u leeyahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

“Dowladda Soomaaliya waxay kala arrinsan doontaa Shiinaha sidii ay qayb muhiim ah uga qaadan lahayd maalgashiga dalka iyo soo celinta kaalinta soo jireenka ah ee ay ku lahaayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.” Wafdiga Dowladda  Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply