Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Khudbadda Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Cawad Ciise uu jeediyay ayaa diiradda ku saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda ay ka guul keentay, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado.
Wasiir Cawad ayaa ka warbixiyay sida ay Dawladu dib ugu furtay wadooyin dibna ugala wareegtay deegaano ay ku dhuumaalaysanayeen. Mudane Cawad ayaa sheegay in Dawladu ku guulaysatay in ay dhalinyarada Soomaaliyeed tustay macnaha Dawladnimo taasoo keentay in ay wiiqdo askarayntii argagixisada.
Mudane Cawad ayaa qaramada midoobay ka sheegay in Soomaaliya mahadwayn u hayso ciidamada Afrikaanka. Isaga oo ugu baaqay in qaramada midoobay ka qaado cunaqabataynta hubka taasoo sintay awaada ciidamada Qaranka iyo argagixisada.
Mudane Cawad ayaa sheegay in dhinaca siyaasada ay Soomaaliya ku talaabsatay horumar muujinaya xornomada saxaafada iyo xisbiyada. Soomaaliya waxa ay leedahay khayraad dabiici ah iyo deegaan ku yaala meel halbowle u ah ganacsiga Aduunka.
Mudane Cawad ayaa ka hadlay horumarka ka socda Bariga Afrika iyo wada shaqaynta ku dhisan is ixtiraamka ee dhex maray wadamada Bariga Afrika tasoo ay Soomaaliya xaga hore kaga jirto isaga oo sheegay in cunaqabataynta laga qaado wadanka Eratariya.
Figradihiina