Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo ay ubilaabatay daraasada sanad waxbarashadeedka 2018-2019

Ardayda Jaamacadda Muqdisho ayaa u bilaabatay daraasadii sanad waxbarashadeedka 2018-2019  iyagoo wajiyadooda laga dheehanayay farxad  aad saraysa.
Ardayad lagu magacaabo Cabdishakuur Cali oo kamid ah ardayda wax kabarata Jaamacadda Muqdisho dhigatana kuliyada Health Science oo cabirayay dareenkiisa isagoo aad u faraxsan ayaa u mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Muqdisho bilaabashada daraasada isagoo kutilmaamay xarunta ugu wayn ee Jaamacadda Muqdisho meel ku haboon waxbarashada iyo cafimaadka intaba.

Sidoo kale ardayad lagu magacaabo Safiya Cabdi Muxyadiin oo kamid ah ardayda Jaamacadda Muqdisho ayaa iyadana kutilmaamtay bilaabashada daraasada mid ay aad ugu faraxsanyihiin, xarunta waynna ay tahay mid kuhaboon ayna ku diyaarsanyihiin dhamaan agabkii uu ubaahnaa ardayga sida maktabadii, masjidkii, biyihii, dhirtii quruxda badnay kuna waagsaneed xiliyada ay ardadu nasanayaan, waxayna ardaydaya kula dardaarantayay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan ayna muujiyaan karti iyo dulqaad dheeri ah.

Dhanka kale Xaliima Maxamed Nuur, madaxa MCH-ka Jaamacadda Muqdisho oo aan ku booqanay iyagoo hawlihii ay bulshada u hayeen wata ayaa noo sheegtay in xarunta MCH-ka Jaamacadda Muqdisho oo ay hawl balaaran ay bulshadu uhayso subax walbana ay usamayeen baaritaano caafimaad iyo daweyn iyadoo aan waxba lacag ah laga qaadin. sidoo kale waxaan kaloo aan siinaa talooyin caafimaad oo ku saabsan dadka aan adeega caafimaadka siino oo isugu jira dad waawayn rag iyo dumar iyo caruur intaba.

Ugu dambayntii madaxa xafiiska arimaha ardada Jaamacadda Muqdisho ustaad Muuse Axmed Cabdullahi ayaa uhambalyeeyay ardayda bilaabashada daraasada wuxuuna u rajeeyay dadaal iyo horumar dheeri ah, wuxuuna ardayda usheegay inay udiyaar garoobaan tartamadii iyo hawlihii xafiiska u gaarka ahaa.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin

Muqdisho, Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply