Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gobolka Banaadir iyo UNDP Somalia waxa ay bixinayaan tababar ku saabsan kor u qaadidda xirfadaha hal’abuurka ganacsi ee bulshada. Tababarkan waa bilaash waxaana loogu talagalay bulshada barakacayaasha ee Gobolka Banaadir ku nool gaar ahaan kaamamka ku yaala degmooyinka: Hodan, Dayniile, Wadajir, Dharkeenley, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley.
Tababarku wuxuu soconayaa muddo 3-bilood ah waxaana lagu baran doonaa maadooyinka ay ka mid yihiin (1) Mabaadii’da hal’abuurka ganacsi bulsho, (2) Bilaabidda iyo suuq-geynta ganacsiga cusub iyo (3) qorsheynta iyo maamulidda maaliyadda ganacsiga.
Ujeedada tababarkani waa in laga caawiyo bulshada barakacayaasha ee Gobolka Banaadir ku nool in ay helaan xirfado ay ku shaqeysan karaan oo ay ku taageeri karaan nolol maalmeedka naftooda iyo qoysaskooda, ugu dambeyna kor u qaadi kara heerarkooda nolosha.
Tababarkani waxaa loogu talagalay oo ka faa’iideysan kara qof walba oo barakaca ah oo magaalada Muqdisho ku nool oo leh astaamaha hoos ku xusan:
Tababarku wuxuu bilaaban doonaa 10–ka November, tirada ardayda la qaadanayana way xadidan tahay ee fadlan hadii aad tahay qof barakace ah oo leh astaamaha kor ku xusan, la xiriir hor-joogaha kaamkaaga si aad isku diiwaan gelisid.
Haddii aad tahay barakace ku nool degmada kaxda, fadlan la xiriir: 0615299145
Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Wadajir, fadlan la xiriir: 0615527822
Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Dharkeenley, fadlan la xiriir: 0617280750
Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Hodan, fadlan la xiriir: 0618224224
Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Dayniile, fadlan la xiriir: 0615569241
Haddii aad tahay barakace ku nool deegaanka Garasbaaley, fadlan la xiriir: 0615563334
Nasiib wacan!
Figradihiina