Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa maanta, 15/11/2018, magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho.
Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxaa ka soo qaybgalay in ka badan (150) aqoon yahanno iyo cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista iyo waxgarad ka tirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah:
“Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Maanta” “Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges”
Saddexdaas maalmood waxaa lagu soo bandhigay in ka badan (30) daraasado iyo cilmibaarisyo ku kala saabsanaa Arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo tacliinta sare; Dhaqaalaha, horumarinta, maamulka iyo siyaasadda; Aqoonta & cilmibaarista, Warbaahinta; Raadraaca taariikhda, afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida; Arrimaha bulshada, haweenka, tahriibka iyo ururrada bulshada rayidka.
Xafladda xiritaanka ee aqoon isweydaarsigan waxaa ka soo qaybgalay masuuliin ka tirsan dawladda, madaxda jaamacadaha iyo ururada bulshada rayidka iyo waxgarad kale.
Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal ay ku kulmaan aqoonyahannada, cilmibaarayaasha, macallimiinta Jaamacadaha iyo khubarada kaleba; waxayna ku wadaagaan cilmibaarisyo iyo xog la xiriirta cilmibaarista Soomaaliyeed.
Ugu horayn waxaa kahadlay Mudane Mustafa Cabdulaahi Fayruus oo ah agaasimaha Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) isagoo umahad celiyay kasoo qaybgalayaasha shirka afaraad ee cilmi baarista Soomaaliyeed wuxuuna ku booriyay in xooga ay saaraan cilmi baarista sanadka soo socdana ay soo bandhigaan cilmi baarisyo ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed kuwa qiima leh.
Sidoo kale waxaa halkaas kahadlay Mudane Xasan Cabdi Xasan
Cilmibaare katirsan Xarunta cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika, oo xarunteedu tahay dalka Turkey isaga oo tilmaamay in baryihii hore cilmi baarisyaha dalka Soomaaliya ay dad kale samayn jireen laakiin hadda Alla mahadii ay hawshaas lawareegeen aqoonyahanka Soomaaliyeed oo sameeya cilmi baarisyo qiimo badan.
Waxaa iyana madasha hadal jeedin kasameeysay Marwo Asli Ismaaciil Ducaale
oo ah agaasimaha hay`adda horumarinta haweenka ee (WEAVE) oo sheegtay in seddaxda cisho ay kafaa’idaysteen qoraallo qiimo badan waxaayna umahadcelisay machadka ISOS sida xikmada leh ee uu hawlahan usoo qaban qaabiyay ayna kafaa’idaysan doonaan buugaagtii uu siiyay machadka ISOS.
Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan oo ah Agaasimaha Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay Jaamacadda Muqdisho iyo machadka ISOS kaalinta ay iska saareen horumarinta dalka iyo dadka wuxuuna ku booriyay inay dadaalkooda sii labalaabaan.
Aqoon isweydaarsigan oo la bilaabay 2014 waxaa soo qabanqaabiya machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmi baariseed oo ka tirsan Jaamadda Muqdisho. Aqooni sweydaarsigani waa kii afraad oo noociisa ah wuxuuna kusoo dhamaaday si guul iyo farxad leh.
Figradihiina