Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Musharax Cali Ciise Cabdi waa murasha ugu hadal heynta badan todobaadkaan ee aan ka midka ahayn murshaxiinta gacanta Ayuutada xilka Puntland tirsada, waana markii ugu horeysey uu musharax miisaan iyo waayo aragnimo durugsan leh oo kasoo jeeda Gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood uu isugu soo taagay xilkan u xidhnaa dhinaca kaliya tan iyo 2005tii kolkaas oo Madaxweynihii ku meel gaadhka ahaa Maxamed Cabdi Xaashi u sharaxnaa xilka Madaxweynaha, oo uu ku guulaystay tartankaa Cadde Muuse ilaahay hawnaxriistee.
Dr Cali Ciise Cabdi ayaa maanta soo gaadhey Caasimada Puntland ee Garowe. inkastoo lafilaayo maalinta axada hadii alle idmo in uu si rasmi ah musharax-nimadiisa u shaacindoono balse sida la filayo hadi uu tartanka kuso biiro siyaasada waa is gadineysa oo waxaa meesha kabaxeya qori-isku dhiibkii hogaanka Puntland ay horey ugu soo caano maashey naadi kaliya oo isku maaliyad kaliya wada xidhan, waxaase muuqda duwanaasho marka la eego 12ka maalin ee ka hartay doorashada Puntland wuxuu musharixinta kale uga duwan yahay waa musharaxa kaliya ee aan isagu kaambeyn gelin taasoo kadhigan inuu kalsooni badan heysto.
Su‘aasha isweydiinta Mudan waxay tahay Puntland in la badbaadiyo ma u baahan tahay?
Marka laga yimaado ilma Maxamuud Saleebaan oo iyagu goobta ka dhigay galgalin ay ku galgalinaystaan, marka laysku qaado, Jebiyahooda, Dennigooda, Cali Warsamahooda iyo inaadeerkood soke Faarax Shirahooda, iyo intay cagaha ku jiitaan, waxaa muuqata in maanta Puntland ay u baahan tahay in uu hoggaamiyo madaxweyne aan ka soo jeedin Mudug, Nugaal, Bari iyo Qardho.
Maanta Puntland waxaa badbaadin kara mas‘uul ah oo ka soo jeeda Gobolka Sool, sida Dr Cali Ciise Cabi oo isagu mawqifkiisu markasta Caddaa meel adagna ka taagnaa soocelinta gobalka Sool, sidoo kale had iyo jeer diidanaa fikirka ah Koonfur iyo Waooyi in wax lagu qeysado, mar walbana taageysanaa taaba gelinta midaamka fadaraaleynta inu wada gaaro dalalka oo dhan.
Habowga Puntland luntay muddooyin badan ayaa soo jiitamayey, xilligii Cabdilaahi Yuusuf muddada kooban xilka Puntland laga tuuray ee la doortay Jaamac Cali Jaamac ayaa xilligii loolanka Jaamac Cali Jaamac lagu dooranayey Islaan Maxamed Islaan Ciise ilaahay hawnaxariistee beelaha kale u sheegay in aan beesha Ayuutada kaltanka isugu dhiibta ka guud ahaan xilkaa ay iska leeyihiin oo aan loogu imaan, xilligaas lama siin ogolaansho laakiin damac isasiin iyo distoorka aan qornayn ee qarsoon ayuu ahaa wax ku qoran oo kuwii markaa joogayna ee aan ahayn dhinacii markaa tilmaamanayey kamay hadlin, waase wax ay ciyaal iyo ciroolba aamineen dhinacyada Ayuutada ku kaltama iyo garab yada kaleba.
Waxaase muuqata in maanta Dr Cali Ciise Cabi usoo dhiila dhaansadey in gidaarkaas la jabiyo, isla markaana labada fikradood ee ay iska dhaadhiciyeen bulshada Puntland doonayaan inuu soo afjaro, waana ku dhiiri galinayaa inuu xilka Madaxweynaha Puntland isu soo sharaxo, waxaana leeyahay Xildhibaanada Puntland badbaadiya Puntland waa fursadii ugu danbeysay, haddii uu ku guulaysto waa sidii habboonayd hadiise ku guuldareysto waa isku day habboon oo ay tahay in lagu celceliyo ilaa inta Ayuutada la soo afjarayo.
Isbadalkaan cusub ayaa ah mid ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin isimada iyo indheer garadka Puntland kaasoo kadhigan in laga maarmi waaye Dr Cali Ciise inuu gudaha Puntland usoo galo si heylkala, maqaamka iyo isku heynta dadka reer Puntland dib boodhka looga jafo, si dadban na uga xil furto musharaiin badan oo caado kadhigtey ku kaambeeyn gareyta soo celinta madaalada Laascaanood.
Dr Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha Machadka HESPI, waa dhaqaale yahan heysta PHD, waxaa uu 25 sanno ka soo shaqeeyey xillal sare-na uu ka soo qabtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo World bank, waxaa kale oo uu lataliye usoo noqday 30 dal oo Afrikaan ah.
Dr Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa dad badan u arkaan in uu yahay shaqsi miisaan weyn ku yeellan kara doorashada laba toddobaad ka dib qabsoomi doonta, waxaana haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynaha ay dad badan oo siyaasadda Puntland falan-qeeya ay tilmmaamayaan in horumar ku imaan doono dhaqaalaha, ammaanka iyo sugidda xuduudaha Puntland marka laga hadlaayo matalaada xaduud deegaanka aasaaskii Puntland ee 1998 oo aheyd in xukunka hogaanka Puntland loo wada sinaado.
Ugu dambeyn, marka la eego 20 sanno ee Puntland jirtay ee halka qoys xukunkeeda hayey, Puntland way u baahan tahay in qaabkan kaltanka iyo Ayuutada nin waliba gacantiisa sugayo laga badelo, ee waliba Almaxamuudiya kaliya yihiin inta Hagbada kala sugta oo waliba ku dagaalama waa kalkaygii ninka noogu soo dhawaadana waa kula dagaalamayna, qaabkaas nin ka badala oo han iyo miisaan leh Puntland way u baahan tahay, dawo ayaana ugu jirta oo muuqaalkan foosha xun ee faafay cid qurxisa waa ay rabtaa Puntland, maadaama aanay jirin doorasho hal cod iyo hal qof ahi, cid kasta oo aan ahayn Almaxamuudiya oo maanta Puntland xil ka qabataa dan weyn ayaa ugu jirta walibana fikirkaas waa in ay xildhibaanada ka soo jeeda Puntlandta kooban”Boosaaso, Gaalkacayo, Qardho, iyo Garoowe” ka shaqeeyaan in ay codka siiyaan qof aan ahayn (Almaxamuudiya).
DHAMAAD.
****
W/Q: Asadnaa Suudi.
Columbus, Ohio USA.
Falanqeeye Siyaasada Soomaaliya.
Email: Asadnaa@gmail.com
Figradihiina