Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Argayga qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee gobolka Koonfur Galbeed taasoo uu kaga soo hor jeesaday ama uu dalbanayay in wax laga qabto qodobo uu sheegay inay xuquuqul insaanka meel looga dhacay wuxuuna ka dalbaday in dawlada Soomaaliyeed jawaab ka bixiso arimahaa uu ku eedeenayo waliba isaga oo ku goodiyay in wadamada Jarmalka iyo Ingiriisku mucaawimadoodii goosteen.
Xukuumada Madaxwayne Farmaajo ee uu raysalwasaaraha ka yahay Xasan Cali Khayre ayaa kaga jawaabtay in ay ugu yeedho ergaygaa inuu ka hoosdhacay suunka siyaasadeed ee dublamaasinimada, farahana lasoo galay arimaha dadka Soomaaliyeed iyo Maamuladooda taasoo ay amar uu san filayn Ergaygani ka helay falcelin ah in dalka laga eryo.
Hadaba arintan ayaa soo afmeeri doonta yasidii ay wadamada qaarkood iyo haayadaha caalamiga qaarkood kula dhaqmi jireen masuuliyiinta Soomaaliyeed, durdaba waxaa istaagay dhamaan fantisiyayaashii sanadka cusub ee lagu jalo butayn jiray xeebta Xalane kadib markii ay arkeen dawladaha wakiiladoodu halkaa deganaa inay wadanka marti u yihiin ixtiraam darona aan la’ogolaan doonin.
Ceegaag.com
Figradihiina