Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo u fariisatay imtixaanka semisterka 1-aad ee sanad waxbarashadeedka 2018-2019

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ufariistay imtixaankii koobaad ee simisterka koobaad ee sanad waxbarashadeedka 2018-2019.

Imtixaankan ayaa ka bilawday dhamaan xarumaha ay iyo kambasyada ay ku leedahay Jaamacadda Muqdisho ee magaalada muqdisho oo ka kooban 11-ka  kuliyadood iyo qaybahooda.

Guddoomiye kuxigeenka arimaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Daahir Maxamed oo kormeer kumaray xarumihii ay imtixaanada kasocdeen asigoo ardayda urajeeyay horumar iyo inay guul ka keenaan dadaalkooda iyo imtixaanka ay ufadhiyaan.

Sidoo kale waxaa hambalyo udiray hawl wadeenada, maamulka, macalimiinta, hormuudyada iyo ardayda maanta imtixaanka u bilawday guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali isagoo u rajeeyay inuu qalinkooda Alle toosiyo dadaalkoodana Alle lajiro.

Jaamacadda muqdisho oo kamid ah jaamacaddaha ugu faca wayn soomaaliya ayaa waxay kamid tahay jaamacadaha ugu horeeya qaarada Afrika waxay xubin katahay 8 urur jaamacadeed oo caalami ah iyadoo ardaydii jaamacadda wax kabartay hada ay ka shaqeeyaan dhamaan hay’adaha kala duwan ee dalka qaarkoodna ay daraasadaha sare kawadaan jaamacadaha caalamka.

Cabdinaasir Yuusuf Macalim

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply