Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Muqdisho, Jan 22, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya.
Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ah ee ay la leedahay dalalka kale ee caalamka.
Madaxweynaha ayaa Danjire Maxamed Ibraahim u rajeeyey inuu ku guulaysto gudashada xilka loo igmaday ee ku aaddan xoojinta iyo joogteynta xiriirka walaaltinnimo ee labada waddan.
Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia ee Soomaaliya Mudane Seohardjon Aastromihardo oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Joko Widodo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhaweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
Figradihiina