Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JUBBALAND ITELLECTUAL COUNCIL BAAQ IYO BARAARUJIN. JANUARY 24, 2019

Ku: Madaxwaynaha Dawlada Goboleed Jubbaland K: Baarlamaanka Dowlad Jubbaland Ku: Isamada iyo Cuqaashe reer Jubbaland KU: Waxgaradka iyo Bulshada Raydka Reer Jubbaland Ku: Culama’udiinka Reer Jubbaland Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahahay 01/24/2019 shir dag dag ah isugu yimi dhamaan xubnaha gudiga dhexe ee ururka Jubbaland Intellectual Council.shirkaasi oo uu gudiga ku gorfeeyay arimaha siyaasada xilag kala guurka ah ee fooda inagu soo haya sanadkan 2019, iyo guud ahaan isbedalka kusoo kordhay manadaqada, hadaba kadib markuu gudiga aad u falanqeey dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee kusoo wajahan deegaanka Jubbaland,waxaa uu gudiga kutalo bixinayaa arimaha soo socda:

1. In ay walaaltinimada iyo wadajirka reer Jubbaland muqadas tahay, isla markaana si wadajir ah looga soo horjeesto wax kasta oo waxyeeli Kara danaha iyo walaaltinimada dadka reer Jubbaland.

2. Shirarka kasocda gudaha dalka iyo dibada ee lagaga arin sanayo siyaasada iyo hurumarka Jubbaland in lasoo dhoweeyo,hadii loogu adeegayo danaha iyo horumarka reer Jubbaland.

3. Waxaa Kaloo muhiim ah in aynu fahano in lakala aragti duwanaan karo laakiin taa micnaheedu ma ahan in la horseedo bur-bur iyo xasilooni daro.

4. In lawada ilaaliyo maamulka Jubbaland ee inoo dhisan.Waayo sida aynu wada ognahay in Wax dhisan labur buriyo way sahal laakiin in dib loo dhisaa way adagtahay.Hadaba yay naan horseedin,kala dhantaalin wadajirka iyo walaatinimada bulshada reer Jubbaland.

5. Sida aan kor kusoo xusnay in loo shiro sidii horumar loo gaarsiin lahaa bulshada Somaaliyeed ee kudhaqan Jubbaland waa arin fiican.

6. Walaalaha raba in uu isbedal yimaado Waxaan faraynaa inay iskaga fogaadaan wax kasta oo horseedi kara hagardaamo iyo dib udhaca maamulka Jubbaland.Muwaadin kasta oo reer Jubbaland ah xaq ayuu uleeyahay in uu madax banaani uhelo aragtidiisa siyaasadeed,hadii uu umaro wadada Saxda ah.Ugu danbayn waxaan dhamaan madaxda maamulka iyo waxgaradka reer Jubbaland kula talinaynaa in ay ilaaliyaan nidaamka iyo rabitaanka shacabka, ilaalinta nidaamkia waa hishiishki bulshada Sedexda Gobol ee Jubbaland.

Gudoomiyaha Ururka Ali Darwiish

Credentials M.S; Project Management, BS; Information Technology, and AAS CIS BA, ITIL, MCSA, CCNA, Six Sigma and SQL Server Certified Jubbalandic@gmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply