Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka Dhiilada Xabaarsan ee naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in argagixisada Alshabaab ay weerar ku qaadeen Hoteel Cascasey ee magaalada Kismaayo iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay Dilaan Wariyihii waynaa ee Hodan Naaleeye iyo saygeedii Jaamac Fariid, sidoo kale tiro xildhibaano ah iyo siyaasiyiin u sharaxnaa qabashada Madaxtinimada Jubaland.
Hotelka ayaa ilaahada rasaastu ka socotaa iyada oo mar aan la’xidhiidhnay masuuliyiin kusugan Kismaayo noosheegeen in lasoo afjaray dadkii weerarkaa soo qaaday hadana loo gudbayo in cadaalada la’horkeeno dadkii u fududeeyay inay argagixisadu weerar noocana ka fuliyaan Kismaayo dhexdeeda.
Waxaan Tacsi tiiraanyo leh udiranaa reer Naaleeye geerida naxdinta leh ee maanta aynu ku waynay gabadh aad inoogu wayneed dalkana dib ugu noqotay si ay uga qayb qaadato dib udhiska, waxaana Ilaahay ka baryanaa inuu janada Fardowso ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo AAMMIINN.
Waa inaan kaga jawaabnaa hadii aanu hanay qurba joogta inaan dalka dib ugu noqono dib u dhiskiisana dardar galino si aan ugu Aargudno dadkii ay Argagixisadu u laysay si ay inoo baqa galiyaan
Xuseen Fiin
Boston, USA
Figradihiina