Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masuuliyiin ku baxay gacanta argagixisada iyo Gud/Duq. Yariisoow oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose.

Waxaa hadda Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii argigixisada galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in  ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Godoomiye Yariisoow ayaa barta FB soo dhigay qoraal uu ugu digayo warxumo tashiilayaasha isga oo yidhi” Assalamu alaykum dhamaan umada somaliyed. Ma dhiman waa noolahay Alla dilaa Dhinto Alxm dhaawac fudud ayaa isoo gaaray Dadka Qoraalada Been abuurka ah soo qoraaya ilaahay ha ka Cabsadaan”.

Waxaa Illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
4 – Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye

Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka.

Sidoo kale waxaa jira masuuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo.

1 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay.
2 – Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame.
3 – Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
4 – Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah.

Dhanka kale waxa ay wararku sheegayaan inuu jiro dhaawacyo iyo dhimasho soo gaadhay shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, oo isagoo fadhiistay hoolka ay ku sugnaayeen masuuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay.

Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka.

Ma cadda ilaa hadda sida qofka ismiidaamiyey ay ugu suurtogashay inuu ka soo gudbo goobaha kaantarool ee wax lagu baadho.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply