Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdirashiid M. Faarax oo shir albaabadu u xidhnaayeen ugu Xogwaramay reer Khaatumo magaaladan Boston.

Waxaa maalintii Axadii dhawayd ka dhacay shir albaabadu u xidhnaayeen oo uu Cabdirashiid M. Faarax oo kamida gudiga Fulinta ee Khaatumo G11 la yeeshay Jaaliyada Soomaalida reer Khaatumo ee ku dhaqan magaalada Boston.

Shirkaa oo saxaafada lagu marti galin ayaa waxaa nala soo gaadhsiiyay Sawiro cadeenaya inuu shirkaasi dhacay, Sidoo kale Madaxan Khaatumo ayaa dalxiis ahaan loo geeyay goobo qadiimi ah oo kuyaala magaalada Boston Sida Markab-dagaaleedka ugu qadiinsan Dunida ee SS Constitution oo ah markab kaligeed u babac dhigtay kana adkaatay oo wada quusisay 13 markab oo nooceeda ahaa oo ay wateen Ciidamadii Boqortooyadii Ingiriiska oo barigaa ahaa quwad aan qoraxdu ka dhicin dunida daafaheeda.

Sidoo kale waxaa lasoo tusay taalo ay ku xardhan yihiin ciidankii Jinsiyada Afrikaanka Madow ee ka qayb qaatay dagaalkii Sokeeye  ee maraykanka kaa soo lagu ilaalinayay midnimada goboladii Maraykanka. Oo markaa rabay inay u kala go’aan Waqooyi iyo Koonfur sida Soomaaliya kataagan maanta.

Maamuuska booqashadaa ayaa u saansaan eekaa xaalada ay haatan ku sugan tahay Khaatumo State of Somalia iyadoo siyaasan ahaan lamida ciidankaa madow, awood ahaana Markab-dagaaleedkaa SS Constitution.

Daawo Sawiradaaaaaaaaaaa

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag