Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona transit ku ah Magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay uga sii gudbi doonaan dhinaca Magaalada Washington.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa lagu wadaa in ay Magaalada Washington kaga qaybgalaan Shirka sanadlaha ee Bankiga Adduunka & Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Shirka ayaa waxaa sanadkan looga hadlaya horumarinta maaliyadeed iyo habsami socodka ee Barnaamijka loogu magac-daray Dayn Cafinta Somaliya.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Washington waxaa uu fursad u heli doonnaa in kulamo uu kula yeesho Masuuliyiinta Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF.
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ayaa waxaa uu Talaadadii kula kulmay madax ka tirsan Hay’adda IMF.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in madaxdaasi ay qireen dadaalka iyo hawsha ay Somaliya ka qabatay dib u habaynta Maamulka Maaliyadda, isla-markaana ay meel wanaagsan marayan hannaanka daynta looga cafinayo Somaliya.
Figradihiina