Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamo uu lasocday Afhayeenka Gobolka Bari Zakariye oo la wareegay Boosaaso

Magaalo Ganacsiyeedka Boosaaso Deeqa ayaa u gacan gashay ciidamada xasalinta gobolka Bari. Ciidamadan ayaa waxaa la socday afhayeenka gobolka bari Zakariye Xaaji Saciid.

Magaalada ayaa xasiloon ciidamada Maamulka Puntland ayaa iyagu ku sugan goobahoodii waloow uu dhacay iska hor imaad gaystay dhaawac ayaa waxaa hada xasiloon gabi ahaanba magaalada .

Afhayeenka Xakariye ayaa ugu baaqay cidkasta oo nabada wax u dhimasa in gacan bira lagu qaban doono, balana qaaday inay la wareegi doonaan goobihii lagu wareejiyay qawlaseetada Imaaraadka.

Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Punttland iyo maleeshiyo beeleed waxaa hoggaaminayey Ciise Yulux, waxayna doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ciidankii kantaroolka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacaas, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo 20 gaari oo 16 ka mid ah yihiin kuwa dagaal watay ayaa markii dambe u suurta-gashay in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, waxayna markii ay gaareen dageen xarunta shirkadda PDG.

Shirkadda PDG ayaa taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, waxaana muddooyinkii u dambeeyey taagnaa xiisad u dhaxaysey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda.

Ciise Yulux ayaa ka mid ah ragga saamiga ku leh shirkadda PDG oo tan iyo 2011 taakulaynta u qaabilsanayd ciidamada Badda Puntland ee PMPF, sida ay ogaatay Puntland Post.

Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa ayaa tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, wuxuuna ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda caadi ah, mana jirto cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay arrintan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply