Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Cali Shariif Axmed oo la kulmay jaaliyada Boston USA.

Waxaa habeeninadii xalay 12/01/2019 ka dhacay Magaalada Boston ee cariga dalkan Maraykanka shir aad loosoo agaasimay oo uu jaaliyada kula kulmayay safiirka Soomaaliya ee wadanka Maraykanka Cali Shariif Axmed oo uu wehelinayay Xoghayaha Safaarada Soomaaliya ee Washington DC Cabdiraxmaan Shariif.

Safiirka oo aad ugu mahad celiayay Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan wadankan Maraykanka guud ahaan siiba kuwa reer New England oo uu booqasho shaqo ugu yimid sitimaankan sida xilkasnimada leh ee ay ugu gurmadeen walaalohooda ku barakacay fatahaada wabiga Shabeele uu ku fatahay magaalada Baladwayne.

Safiirku waxa kale oo jaaliyada uga mahad celiyay soo dhaweenta diiran ee ay u sameeyeen taasoo ka turjumasay baahida ay Soomaalidu u qabaan soo noqoshada dawlad haybadleh. Safarka safiirka ayaa ku soo hagaagay wakhti ay duufaano baraf wataa ku habsadeen goboladan New England balse taasi ka ma baajin jaaliyada inay isugu soo baxaan soo dhaweenta safiirkooda.

Safiirka ayaa uga warbixiyay Jaaliyada xaalada wadanku marayo, xaaladaha ay madaxda wadanku ku shaqeenyaan, baahida uu wadanku u qabo in uu helo saaxiibo maanta wax la qabta si ay barito Soomaalidu wax ula qabato.

Safiirka ayaa ka warbixiyay khayraadka dihan dalkeena Hooyo iyo sida loogu baahan yahay in Jaaliyaduhu dalka dib ugu soo laabtaan keenaana dhaqaalahooda iyo maskaxdoodaba.

Safiirka ayaa waxa uu ku tirtir siiyay jaaliyada inay la’hadlaan dadka u matala wadankan maraykanka Aqalka hoose oo looga fadhiyo inuu meel mariyo dayncafin ay xukuumada Trump waydiisay in loo fidiyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa aad ugu dheeraaday baahida loo qabo in la’helo urur ay Soomaalida Maraykan ku mideesan yihiin si’ay wax ula qabtaan Safaarada siyaasada Soomaaliya  wadankan Maraykanka.

Ugu danbay waxa uu u mahad celiyay Jaaliyada siiba Gabdha Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah jiritaanka umada Soomaaliyeed. Dhinaca kale waxa uu u mahad celiyay gudiga is xilqaan ee Boston.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply