Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sagootin Loo Sameeyay Arday Jaamacadda Muqdisho oo Deeq Waxbarashada Sare Kahelay Jaamacadaha Dalka Turkiga

Arday dhamaystay Jaamcadda Muqdisho oo deeq waxbarashada sare ah kahelay jaamacadaha dalka Turkiga, ardadaan oo qayb ka ah boqolaal arday oo waxbarashada sare sida Master-ka iyo PhD-da ka diyaariya jaamcadaha kuyaala dalka Turkiga.

Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxay masuuliyiinta Jaamcadda Muqdisho kula dardaaramayn ardadooda aadaysa waxbarashada sare sidii ay unoqon lahaayeen dad howshii loo idmaday kasoo dhalaala.

Ugu horeyn waxaa kahadlay Dr. Maxamed Xasan Nuur diiwaanhaya guud ee Jaamcadda Muqdisho oo ugu mahadceliyay dadaalkii ay soo muujiyeen intii ay dhiganayeen isagoo yiri:

“hadii aad tagtaan inaad howshiina kasoo dhalaashaan noqdana arday yoolkooda uu yahay inay dalkooda wax usoo bartaan iyo dalkooda.”

Sidoo kale Dr. Shariif Cusmaan, Dr. Maxamed Naasir, Ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruuz oo kamid ah masuuliyiinta Jaamacadda Muqdisho ayaa kula dardaaramay ardayda Jaamacadda Muqdisho ee kahelay deeqda waxbarashada sare Jaamacadaha kuyaal dalka Turkiga.

Ugu dambayntii guddoomiye kuxigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee Jaamcadda Muqdisho ustaad Ismaaciil Cumar Maxamed ayaa isagoo la dardaaramaya yiri:

“Waxaan marqaati kanahay in Jaamacadda Muqdisho ay idin dirtay waxbarasho sare iyada oo loo maray hab waafaqsan nidaamka u dagsan Jaamacadda Muqdisho oo ah in ardaygii kaalin wanaagsan muujiya dadaalkiisa loot ix gelinaayo.”

Ma ahan markii ugu horaysay ee Jaamacadda Muqdisho u dirto waxbarashada sare ardadeeda iyadoo sanadkii 2001-dii ay ahayd ardaydii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Muqdisho ay u dirtay ardaydeeda waxbarashada sare wadamo badan oo katirsan caalamka.

Waxaa diyaariyay

Xafiiska warfaafinta Jaamacadda Muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply