Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad lagu maamuusayay aqoonyahannadii daraasadaha kasoo jeediyay iyo shirkadihii kaqaybgalay taabbagelinta aqoonisweydaarsiga sannadlaha shanaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2019)
oo Muqdisho lagu qabtay
Xaflad lagu maamuusayay in kabadan 30 aqoonyahan oo daraasado kala duwan kasoo jeediyay Aqoonisweydaarsiga sannadlaha shanaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2019); iyo sidoo kale shirkadihii kaqaybqaatay taabbagelinta aqoonisweydaarsigan oo kala ah Bangiga Dahabshiil, Bangiga IBS iyo Madbacadda Xayaysiinta iyo daabacaada Signjet.
Munaasabaddan maamuuska waxaa kahadlay agaasimaha machadka (ISOS) Mustafa Cabdullaahi Feyruus oo umahadceliyay aqoonyahankii iyo shirkadiihii ka qaybqaatay taabagelinta iyo habsamisocodka barnaamijkan inuu qabsoomo isagoo yiri:
“Aqoonta waxay ka mid tahay waxyaabaha horumarka lagu gaaro; aqoonta waxaa looga baahanyahan aqoonyahanka aan dhamaanteen aan kamid nahay inaan sii xoojino si’aan miro dhalkeedana aan u gaarno”
Ayuu yiri agaasimaha machadka (ISOS) ee katirsan Jaamacadda Muqdisho.
Aqoonyahankii cilmibaarista soo jeediyay waxaa afkooda kuhadlay Sheekh Maxamed Cumar oo ah garsoore maxkamadda sare, ustaad Maxamed Cabdullaahi Maxamuud oo ah madaxa cilmibaarista akadeemiyada fanka iyo suugaanta, iyo Wafaa Xasan Sh. Xasan oo ah cilmibaare madax banaan, dhamaantood waxay u mahadceliyeen machadka (ISOS) iyo jaamacadda Muqdisho waxayna ku dhiirageliyeen in hawsha sanadaha kale ee soo socda lasii labalaabo hawlaha baaxada leh ee uu dalka iyo dadkana u haayana uusii labalaabo.
Waxaa isna gabay kusaabsan cilmibaarista iyo faa’idada ay leedahay ku cabiray aqoonyahan Cabdiqaadir Maxamed Xasan tix lamagac baxday “Cilmigoo labaaraa looga caana maalaa”
Gebagabadii kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho arimaha xiriirka ustaad Xasan Sheekh Xasan (Baaxasan) isagoo umahadceliyay maamulka machadka cilmbaarista Soomaaliyeed ee (ISOS) ee katirsan Jaamacadda Muqdisho sidii wanaagsaneyd ee ay guntiga dhiisha isaga dhigeen iyo bangiyada sida Dahabshiil bank, IBS bank, iyo Shirkada xayaysiinta iyo daabacaada Signjet isagoo yiri:
Aqoonyahnnada lagudoonsiinayo shahaadadaan qiimaha badan waxay shacbigooda Soomaaliyeed u yihiin mustaqbal ifaya waxayna faa’ido utahay jiilalka dambe ee soo socda.”
“Caalamka waxyaabaha lagu kala hormaray waxaa kow ka ah cilmbaaris dhamaystiran haddii aan nahay masuuliyiinta Jaamacadda Muqdishana waxaan weeleyn usamayndoonaa cilmibaarisyadii qiimaha badnaa aad soo bandhigteen si’ay jiilalka dambe ee soo koraya ay kayd ugu noqoto waxaan marlabaad idin rajaynayaa wanaag iyo mustaqbal ifaya” ayuu yiri ustaad Xasan Sheekh Xasan (Baaxasan) kusimaha guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ahna gudoomiye kuxigeenka arimaha xiriirka.
Aqoonisweydaarsiga sannadlaha shanaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2019), oo socday muddadii u dhexaysay 12-14 November 2019, waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee (ISOS) oo katirsan Jaamacadda Muqdisho; waxaa kasoo qaybgalay in kabadan 300 aqoonyahan iyo waxgarad Soomaaliyeed, oo ka kala tirsan jaamacadaha dalka, xarumaha cilmibaarista iyo guud ahaanba waxgaradka bulshada.
Aqoonisweydaarsigan Sannadlahaah waxaa la daahfuray sannadkii 2014, sannadkan waxaa halkudheg u ah: “Aqoon u Adeegta Kobcinta Adkaysiga iyo Sookabashada”.
Waxaa diyaariyay
Xafiiska warfaafinta Jaamacadda Muqdisho
Figradihiina