Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY SULDAANKA CUSUB EE DALKA CUMAAN

Muqdisho, Jannaayo 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cumaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply