Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dawlada dhexe ee Kanada ayaa Qaxooti gaadhaya Hal Malyan oo dada keenasa wadankeeda sadexa sano ee inagu soo aadan hadaba si arintaa looga midha dhaliyo ayaa waxaa laga codsaday magaalooyinka inay bilaabaan doorashada dadka ay u doonayaan magaaladooda inay yimaadaan iyo wadamada ay ka imanayaan.
Wadanka Soomaaliya oo dadkiisu qaxooti ku yahay wadama badan oo caalamka ah ayaa noqday wadanka ay dadka reer Kanada aad u daneenayaan inay u soo haajiraan magaalooyinkooda. Dadka Soomaalida ah ayaa lagu bartay adkaysi ay si wayn ugu adkeestaan dhibaatada dibu dajinta qaxootiyada iyaga oo si dhib yar ula qabsada deegaanada dibu dajinta loogu sameeyo.
Hadaba Haayada Somali Canadian Education Rural Development Organisation ee loo soo gaabiyo SCERDO ayaa iyadu noqotay mida ay dawlada Gobolka Albert, Edmonton ay doonaso inay dib u dajin usameeyaan qaxootiyada la keeni doono wadanka Kanada.
Wiigan ayaa waxaa kulmay madaxa SCERDO Bashiir Xaaji Cali iyo Jason Copping, Alberta Minister of Labour and Immigration (Wasiirka shaqada iyo Immigrationka) iyaga oo isla meel dhigay in dadka Soomaalida ah dibu dajin loogu sameeyo dhamaan gobolda wadanka Kanada.
Hadaba war ay Idaacada BBCdu ka diyaarisay kulankaa nala dhagaysta.
Ceegaag.com
Figradihiina