Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khudbadii Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu Ka jeediyey Shirka Wadatashiga Puntland ee Garoowe.

Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku hadlayay magaca wafuuda dowladda federalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga Puntland, ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in tabashadooda ay ku gudbiyaan si walaalnimo ah oo aan waxyeelayn wadajirka Soomaaliya.Wasiirka oo jeediyay khudbad ay ka muuqatay taxadar weyn, ayaa ka codsaday madaxweynaha Puntland in khilaafka hadda taagan aan la gaarsiin meel aan lagaasoo celin karin, wuxuuna tilmaamay madaxda dowladda federalka inay usoo dhiibeen fariin ku saabsan in Punland tabashadeeda iyo caqabadaha jira lagu xalliyo si walaalnimo oo ay kalsooni ku dheehan tahay.

Axmed Ciise wuxuu Puntland ku ammaanay inay taaba gelinta dowladnimada Soomaaliya meel wacan uga jirta islamarkaana ay ka dhabeysay labadii hadaf ee loo aas aasay oo mid kamid ah uu yahay raadinta dowlad Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii dalku lahaan jiray.

Wuxuu wasiirka sheegay in dowladda federalku aad u dananayso in mar un madaxweyne Deni uu yimaado magaalada Muqdisho oo la dhiso kalsoonida wadashaqaynta dowladda federalka iyo Puntland.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply