Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somaliland oo dhexdhexaadinasa Hayaaga iyo Hagarka

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ayaa haatan u muuqata mid usoo tafa xaydatay soo afjarida dilalka aargoosiga ah ee ka dhexeeyay beelaha Hayaaga iyo Hagarka oo wada dega deegaanada Gal-Caymeed.

Beesha Faarax Hagar iyo Beesha Amaansame Hayaag ayaa waxaa ka dhexeeyay dilal aargoosi ah oo soo bilowday 13 May sanadkii 2006 dilalkan oo badanaa laga heshiinyay balse hadana lagu guul daraytay in la xakameeyo gacan kudhiiglayaasha banaystay dhiiga dadkooda.

Wasiirudawlaha Wasaarada diinta iyo owqaafta Aaden Cabdulaahi ayaa xukuumadu usoo dirtay dhinaca Ceegaag halka dhinaca Buuhoodlena loosoo diray Wasiirka Hawlaha Guud Abdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi si ay u xakameeyaan maleeshiyaadka ku hardamayay agagaarka magaalada Horufadhi.

Dhinaca kale waxaa iyaguna deegaanka soo gaadhay ciidamada milatariga ee Somaliland taliyaashoodii siiba qaybta bariga.

Su’aasha meesha taala ayaa ah dhexdhexaadintan matii Qayaad iyo Bahararsamaa mise markan Somaliland waa ka daacad soo afjarida colaadan 15 jirsatay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply