Ugu Yaraan 5 Ruux ayaa ku dhintay inta la og yahay kadib Markii uu Maanta shil Baabuur uu ka dhacay Wada Laamiga ah ee isku Xidha Magaalooyinka Laascaanood Adhicadeeyey oo dhinaca Waqooyi kaga Beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi Sool.
Wararka naga soo gaadhaya deegaanka uu shilkaasi Naxdinta leh uu ka dhacay ayaa ku soo Waramaya in gaadhiga Shilka gaystay uu ahaa nooca loo Yaqaano Basaska kuna sii Jeeday dhinaca Magaalada Burco, gaadhiguna ka tagay Dhinaca Magaalada Laascaanood uuna Waday rakaab ka tagay Dhinaca Magaalada Laascaanood.
Goobta uu Shilku Galabta ka dhacay ayaana Waxaa gaadhay Gurmad farabadan oo Dhinaca Caafimaadka ah iyo Masuuliyiin katirsan Gobolka Sool iyo Bulsho aad u farabadan oo ka Naxay Shilkaasi Gaadhi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mudo ka dhaca Magaalada Laascaanood iyo Deegaankiisa inta la Xasuusto Mudooyinkani, Guud ahaanba Gobolka Sool ayaana caawa siwayn looga Hadal hayaa Shilkaasi gaadhay uu ka dhacay Duleedka Magaalada laascaanood.
Figradihiina