Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogo magaalada burssles ee Xarunta Midowga yurub ayaa waxaa uu la kulmay isaga iyo wafdigiisa Madaxeynaha Midowga yurub gaar ahaan Madaxweynaha Miwoga H.E HermanVan Rompuy
labada madaxweyne kulan gaar ah oo ay isla qaateen ka dib waxa ay qabteen shir jaraa’id oo ayey ku sheegeen in ay isla gaareen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeyso in si rasmi ah Midowga yurub u aqoonsan yahay isla mrkaana uu la shaqeynayo dowlada Soomaaliya, gaar ahaan in miwoga yurub uu sii xiijiyo doorkii uu ku lahaa arimaha Soomaaliya sida amaanka iyo horumarinta.
Madaxweynaha Miwoga yurub oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in xarunta Midowga yurub uu ku soo dhweeyo madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud.
Sidoo kale madaxweynaha waxa uu la kulmay Madaxweynaha European Commission H:E Mr. Jose Manuel Barroso, kulankaasi ka ka dibna waxa ay isla qabteen shir jaraaid oo ay ku faahfaahiyeen qodobadii ay ka wada hadleen.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kulamo is daba joog ah la lahaa madaxda Midowga Yurub ayaa sidoo kale la kulmay haweyneyda u qaabilsan arimaha dibada Midowga yurub isla markaana ah madaxweyne ku xigeenka H.E Baroness Catherine Ashton.
C/raxmaan Xudeyfi
Photo by Ahmed Warsame
Figradihiina