Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shir weyne looga arrinsanayo dar dar gelinta ururada siyaasadda ee Puntland ayaa ka furmay magaalada Garoowe, ka soo ay ka qeyb galeen hogaamiyeyaasha ugu sarreeya maamulka Puntland sida madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
Shirkaan oo uu soo qabanqaabiyey Urur siyaasadeedka Horseed oo ah ururka talada Puntland hadda haya ayaa waxaa kasoo qeyb galay ilaa 600 qof, kuwaas oo isugu jara xubnaha ururka iyo weliba taageerayaashiisa, waxaana ula jeedka shirkaan uu yahay sidii xeerar loogu sameynlahaa ururka.
Madaxweynaha Puntland ahna gudoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Ururka Horseed Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirka ayaa sheegay in ururada siyaasaddu ay ka midyihiin waxbaayaha ay bulshadu hormar ku tiigsankarto, islamarkaasna looga gudbikaro habkii qabiilka ku saleysnaa ee horey u ragaadiyey wadanka Soomaaliya.
Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in furashada xisbiyada Puntland ay ka mid tahay talaabooyinka uu maamulkiisu ku tallaabsaday, wuxuuna intaas ku daray in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in xisbiyadu ay si sharciga waafaqsan u gudtaan shaqooyinkooda, islamarkaana ay cid kasta oo buuxisa shuruudaha ay furankarto urur siyaasadeed.
Qaar ka mid ah ergooyinkii kulanka kasoo qeyb galay oo iyaguna ka hadlay furitaankii shirkaas ayaa sheegay in ururka Horseed uu yahay urur haysta taageero aad u farabadan, waxayna intaas ku dareen in ururkaan uu ka shaqeyndoono horumarka iyo caddaaladda iyo waxkasta oo bulshada wax u taraya.
Urur siyaasadeedka Horseed ayaa ah ururkii ugu horreyey ee looga dhawaaqay Deegaannada Puntland dabayaaqadii sanadkii tegey ee 2012, waxaana shirka uga furmay magaalada Garoowe uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee ay isugu yimaadaan dadka xubnaha ka ah ururka.
Figradihiina