Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Horaan u daawaday amuurahaan
“Saca naasa adag iyo wheedha maxaa kulmiyay?”
Reisal wasaare Kheyre ayaa ku baaqaya in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo xoogana lasaaro sidi ay ku qabsoomi lahayd, islamarkaana aysan dhicin mudo kororsi ay suurtagal tahay iney horseedo qalalaaso, mid amni ah iyo mid dastuuriba.
Reisal wasaaraha, ayaa sido kale sheegay ayadoo talada lawadaagayo lagasamata bixiyo mesha lajoogo lagana gaarsiiyo doorasho dadka soomaliyeed ku midaysan yihiin. Reisal wasaarahu ayaanan carabaabin doorashada qabsoomi doonta nooca aya tahay, mid dadban iyo mid qof iyo cod ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.
Intaasi aan kor ku soo xusay waxay ahaayeen, sacab iyo jiib si wanaagsan ay isula heleen labada mudane. Mar hadaana mudane Kheyre doorasho dadban taaban, waxa laisku hayana ay tahay, isla markaana mudane Farmaajo, tilmaamay mid dastuurka iyo sharciga doorashooyin waafaqsan kuna slaysan wadatashi is qancin ma muuqdaan wax laga dido.
Markay halkaa mareyso waxaa muuqata ineysan jirin, siyaasad labada mas’uul ay kukala tagsanyihiin balse ay jirto marin habaabin ku aadan dadka isugu yeera saamileyda siyaasada iyo dadka korjoogteeyaba siyaasada oo aniga kow ka ahayba.
“Miciyo abeeso hoosbey kaxariirsanyihiin.” Waa dhaqan saaxiga siyaasada ay kusoo biiriyeen nidaamka hada jira. Markastaa oo mucaaradku guux sameeyo in meel kale kaah looga bidhaamiyo. Waxaa waayadan dambe diiradu saarnayd shirka Dhuusamareeb, oo aad loogu kala aragti duwanaa, in badanna, ay kabiya diideen dowladaha xubnaha ka aha dowlada dhexe qaarkood. SACA NAASA ADAG IYO WHEEDHA MAXAA KULMIYAY.
Kabayare Sh Dahir
Figradihiina