Wararka Naga soo gaadhay Degmada Ceegaag ayaa ku soo Waramaya in Habeenimadii Xalayto Degmadaasi iyo deegaano kale ay roobabkii daytu xalay ka curteen isla Markaana dadka deegaankaasi kunool ay siwayn u soo dhaweeyen Curashada Raxmaadkani eebe ee xalay ka curtay deegaanka Gobolka Cayn.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalooyinka Banyaal, Sarmaantuke ilma dan dan iyo Dhilaalo ayaana ku soo Waramaya in Roobab lagu diirsatay deegaankaasi ka hooreen oo gabi ahaanba Maanta deegaankaasi siwayn Xooluhu uga Cabeen Xareedii ka dhalay Roobabkaasi Xalay Curtay.
Curashada Raxmaadkani ayaana Waxa haatan ay ku soo Beegmaysaa iyadoo dadka kunool Gobolka Cayn ee Reer Guuraaga ahi ay soo Mareen Jiilaal Dheer oo in Mudo ah ay ku soo Jireen, Waxaan haatan Guud ahaanba Mandaqada Somalidu degto laga dareemayaa Curashada Raxmaaka dayrta oo siwayn looga War sugayey Xiligani, Waxayna kaloo Curashada roobabkani ku soo beegmaysaa Xili Qiimaha foostada biyaha ahi ay gaadhay Magaalada Buuhoodle 60shili Somali oo u dhigantay Lacag dhan 3& oo Dadka deegaanka Dhibaato ku ah Qiimaha biyaha ee Kor u kacay.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Figradihiina