Madaxwaynaha Maamulka khaatumo Cuqaasha iyo Qurba Jooga Buuhoodle oo ku Baaqay in la soo Caawimo Dadka Maskaxda Wax ka Qaba ee Buuhoodle Lagu Daawaynayo
Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo ee Xiligani Maxamed Yuusuf Jamac (Indho Sheel) Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Qurba Jooga Buuhoodle oo Maanta Booqday Xarunta Lagu Xanaaneeyo Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka ayaa Waxay Guud ahaanba Walaalaha Islamka ah ee Soomaaliyeed ugu Baaqeen in Dadkaasi la soo Caawiyo gaar ahaan Qurba Jooga ka soo Jeeda Deegaanadani.
Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo ayaana Fariin u Diray Jaaliyadaha ka soo Jeeda Goboladani inay soo Caawiyaan dadka Walaalahooda ee haatan lagu Daawaynayo Xarunta Kumeel gaadhka ah ee Dhakhaatiirta ka Timid Magaalada Muqdisho ay gacannta ku hayaan ee uu Madaxda ka yahay Dr.Xabeen oo Qaabilsan Xanuunada Dhimirka oo isagu dadkaasi Daawaynaya.
Guud ahaanaba Waxaa Xaruntaasi ku Xaraysan Dad farabadan oo ka kala Yimid Guud ahaanba Deegaanada gobolka Cayn, Waxayna Wax ka Qabaan Dhinaca Maskaxda oo Loo baahan yahay in la xanaaneeyo lana siiyo daawooyin u dhibyareeya inay maalin nololeedkooda si binaaadanimo ah ku qaataan.
CaliDhegjar, Buuhoodle
Figradihiina